War Degdeg ah: Magaaladda Berbera oo ku Waaberiisatay Mudaharaadyo Laga Soo Horjeedo Shirkadda Dp World Lagu Wareejinyo Dekeda Berbera Xili Ay Berbera Ku Sugan Yihiin

0
246

Welina ku sugan… Berbera(Ceeelgardinews.com )-Magaaladda Berbera ayaa saaka ku waabariisatay Mudaharaadyo goos-goos ah iyo Waddooyinka oo lagu gubay Taayero dhawr meelood oo kala duwan,

waxana saaka Taayiro lagu gubay Wadada Halbowlaha ah ee dhex martaa magaalada iyo sidoo kale Wadaada loo yaqaan Finlaynt, walow aanay jirin dad badan oo iskugu soo baxeey goobahan, Hase-yeeshee dadweyne ka gadoodsan oo kasoo horjeeda qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay inay ku wareejiso Dekedda Berbera oo gacanta loo gelinaayo shirkadda maamusha Dekedda caalamka ayaa ku tallaabsaday, kaddib markii ay xukuumaddu dheggaha ka furaysatay baaqyo iyo soo jeedimo badan oo bulshadda gobolka kasoo yeedhay. Mudaharaadyadan teelteelka ah ayaa si weyn looga dareemay gudaha magaaladda Berbera, iyadoo ay magaaladda ku sugan yihiin Wafti ka socda shirkadda Dp World, kuwaasoo iskugu Injineero iyo Madaxda waaxyaha Dekedda ee Shirkadda Dp World oo xalay saqdii dhexe lagu wareejiyey qayb kamid ah Dekedda Berbera .Arintii ahayd deked cusub ayay dhisanayaana meesha ka baxay sida la wada arkayo