WAR DEGDEGA:- AGAASIMAHA GUUD EE DIINTA IYO AWQAAFTA OO LABO GAADHI OO MUCAAWIMO AH OO DEKADDA LAGA SOO RAREY MID KAMIDA KU ROGEY GURI UU LEEYAHAY+GASHAANLE DACAR OO DIB UGA RAREY…

0
354

Berbera (Ceelgardinews.com) warar xogogaal ah oo soo gaadhey shabakada mandheera ayaa tibaaxey in saaka abaaro 10:00 subaxnimo Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Salebaan Siciid Cali uu Labo gaadhi Oo Mucaawimo ah Oo ay Leedahay Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta oo laga soo rarey Dekadda Berbera uu mid kamida ku Rogey guri uu ku leeyahay Magaalada Berbera.

 

Gaadhigan uu ku Rogey Gurigiisa ayaa waxa saarnaa qalab furniture ah Oo mucaawimo ah,waxaana Markii gaadhiga laga Rogey alaabtaasi ogaadey Taliyaha Saldhiga Dekadda Berbera Gashaanle maxamed Dacar,Oo isagu markiiba si dhakhso ciidan I galiyey gurigii alaabta lagu Rogey,kaas Oo dib u saarey gaadhigii agaasimaha guud uu ka dajiyey.

Taliyaha gashaanle maxamed dacar ayaa labadii gaadhiba Soo saarey askari islamarkaasina hadda waxay kusii jedaan Dhinaca caasimada Hargeysa,Oo me filayo in alaabtaasi lageeyo xaruntii wasaarada Ama ciddi ku shaqada lahayd.

Agaasimaha Diinta iyo awqaafta ayaan ilaa hada aan ka hadal Sababta ka dambeysay inuu alaabtan mucaawimada ah ee wasaarada ku socotay uu gurigiisa ugu Rogey.

Wixii warar ah ee kasoo kordha lasoco goordhaw

Xigasho Mandheeranews.com