War Degdega-Magaalada Wajaale Oo Saaka Loogu Tagay Hoygii Ay Ka Deganaayeen Hooyo Iyo Inan Ay Dhashay oo Mayd Ah.

0
305

Wajaale ( Ceelgardinews.com ) Degmada Wajaale oo Ah magaalo Xuduudeed Kulmisa Labada Dawladood Ee Somaliland iyo Ethiopia, Ayaa Subaxii Hore Saaka Magaaladu Ku Waabariisatay hadal-haynta falkan naxdinta leh, kadib markii laga helay hooyo lagu magacaabi jiray Ifraax Cagaweyne Iyo Inan Ay Dhashay Gurigoodii Iyaga Oo Mayd Ah, Dhacdadan Naxdinta leh oo aan qadarka eebe hore uga dhicin dalka ayaa noqotay mid saameyn balaadhan iyo argagax ku keenta shacabka kala duwan ee ku nool magaalada wajaale, hooyadan iyo inanta ay dhashay oo da’deeda lagu sheegay 8 sano jir ayaa Hilibohoodii ama maydkoodii loosoo qaaday galabta magaalada hargeisa, si baadhis iyo hubin loogu sameeyo,

Inkasta Oo aaney wali soo bixin Baadhis Rasmi ah haddana qaar kamida bulshada ku nool degmada wajaale oo aanu arrintan waxka weydiinay ayaa noo sheegay in ilaa hadda aaney jirin cid kala cadayn karta in labadan marxuum u dhinteen qadarka ilahay iyo in kale oo la Dilay, waxaana wararka kala duwan uu bulshada magaaldu isla dhexmaraysaa sheegayaan in guriga uu ka dhacay falkan albaabkiisa hore laga helay kaadhadhkii telefoonada ee labada marxuum ee dhintay,

Sikastaba ha Ahaatee Waxaa Laga Dhursugayaa Haaya’daha Amaanka Ee Ku Shaqada Leh iyo Cusbitaalka Guud Ee Caasimada Hargeisa Oo arrintan Gacanta ku Haya, islamarkaana ku sameyn doona baadhi.

wixii warar ah ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.