War-saxaafadeed: Dallada Dhalinyarada iyo aqoonyahanka ee (MUWAAFAQO) Oo Xukuumada Ku Canaantay Gurmad La”aanta Abaaraha, Kuna Eedeyey Inay Ku Mashquushay Burburinta Xisbiyada

0
325
Hargeysa( Ceelgardinews.com )- Warsaxafadeed: “Marka hore ilaahay baa mahad oo dhan iska leh marka xigtana waxaanu shacabka Somaliland alle uga baryaynaa inuu abaaraha kasoo qaboojiyo intaa ka Dib waxaanu aad uga xunahay in xukuummaddi dalka ka masuulka ahayd aanay u gurman dadkeedii abaaruhu saameeyeen taaa bedelkeeda ku mashquushay burburinta asxaabta qaranka iyo boobka hantida dadwaynaha hadaanu nahay aqoonyahanka gobolka togdheer gobolka saaxil gobolka maroodi-jeex waxa noo cadaadatay in xukuummadda kulmiye nacayb iyo faquuq isir ku hayso beesha ciise muuse mudadii ay xilka haysay sidoo kale waxa noo muuqata in xukuummaddu doonayso inay shacabka Somaliland iska wada hor keento si ay kursiga usii xajistaan hore xukuummaddu waxay u burburisay xisbigii udub iyadoo ujeedka laga lahaa ahayd in beesha ciise muuse saaxaddda siyaasadda laga saaro Markale waxay xukuummaddu hujuuntay xisbiga ucid si jamaal cali xuseen saaxadda siyaasadda looga saaro hadaanu nahay aqoonyahanka goboladaas arimahaas iyo arimo kale oo badan ba way noo muuqdeen balse inaanu ka hadalo danta qaranka ayaanu uga tanaasulay maantase waxa nagu kalifay Markii aanu aragnay xisbigii kulmiye oo cadaawad cadaystay in aanu dareensiino in aqoonyahanka goboladaasi la socdaan dhaq-dhaqaaqyada kulmiye, Markale xisbiga kulmiye waxa aanu uga digaynaa inuu halkaa sii dhaafiyo nacaybka huursan ee uu walaaqanayo.
Waxaanu baaq dheer u diraynaa bulshada goboladaasi inay ogaadaan in xisbiga kulmiye kusoo duulay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd Markale waxaanu faraynaa shacabka goboladaas inay u diyaar garoobaan sidii ay xuquuqdooda dastuuriga sife dastuuri ah ugu difaacan lahaayeen,
Alle ayaa mahad leh
Hogaanka Sare ee MUWAAFAQO,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here