Warar aan wali la shaacin ayaa sheegaya in madexweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddu uu gadhwadeenka ka yahay ay go’aan ku gaadheen in lacagta ugu yar ee zaadka iyo E’dahabka lagu qaadan doonno ay noqon doonto $100

0
265

Warar aan wali la shaacin ayaa sheegaya in madexweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddu uu gadhwadeenka ka yahay ay go’aan ku gaadheen in lacagta ugu yar ee zaadka iyo E’dahabka lagu qaadan doonno ay noqon doonto $100 iyo wixii ka badanba iyadoo loo qabtay mudo kooban in lagu fuliyo awaamiirtaas.

Waa qayb ka mida xalka ay xukuumada cusubi ku xalinayso koru kaca sarifka lacagaha.

Sidoo kale Waxa iyana la sheegayaa in go’aan laga soo saaray in shirkadaha waaweyn ee sarifka lacagaha qalaad gabbi ahaanba laga joojiyay sarifkii lacagaha kala duwan.

Waa markii labaad ee ay dawladu xalka ka soo saarto kor u kaca sarifka lacagaha bal waynu eeggi doonnaa isbeddelka yimaada.

Arrintan ayaa aynu eeggi doonnaa inay xal noqoto iyo in kale mudo ka dibna waynu qiimeyn doonnaa.

Maxay tahay aragtidaadu?

Rakad Mxd Sultan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here