WARAYSI:- Weerar Caawa Lagu Soo Qaaday Guddoomiyaha Dhallinyarta WADDANI oo Dhaawac Looggu Geystay

0
282

:-Weerar qorsheysan oo illaa hada aan la aqoonsanin cidda geysatay oo caawa fiidkii lagu soo qaaday guddoomiyahii garabka dhallinyarada Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme), ayaa dhaawac looggu geystay sida oo kale na gaadhigiisii uu watay uu soo gaadhay burbur aad u xoogani xilli uu u sii caraabayey gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa.

 

Weerarkan oo ka dhacay agagaarka Geerash Aw-cali ee Xaafadda Sheekh Madar, ayaa ay geysteen rag budad ku hubaysnaa oo jidka u sii galay guddoomiyaha garabka dhallinyarta WADDANI, waxaana sida uu sheegay ay markii ba ku boobeen hubkii ay siteen iyaga oo gaadhigii uu watay ka jabiyey muraayadda ku taala xagga hore, midda xigta daaqadda darawalka iyo muraayadda ka dambeysa kursiga darawalka, waxaana nasiib wanaag markii uu arkay in ragga soo wareeraray ay dagaalansan yihiin uu kaga badbaaday gaadhigiisii uu watay oo uu xawaare xoog ah kaga ag dhaqaaqay.
Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme) oo aanu soo booqanay isla mar ahaantaana ka waraysanay sida ay wax u dhaceen, ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu ahaa mid qorsheysan oo looggu talo-galay in dhib looggu geysto se nasiib wanaag uu hadana ka badbaaday.
“Gurigeyga, ayaan ku sii caraabayey oon u hurdo doonanayey oo waxa aan markaas uun kala nimi hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo rag kale oo mas’uuliyiin ah oo Xisbiga ka tirsan. Markaa walaal intii aan jidka ku sii jiray ayaa aniga oo u dhow guriga agagaarkiisa,
waxa aan arkay gaadhi indhahu u shidan yihiin oo wadada dhinaceeda yaala, deedna nin baa ka soo dhaqaaqay oo wadada hortayda ah istaagay, ana waxa aan islahaa malaha ninkaasi gaadhigaa ka xumaaday ee in aad caawiso ayuu kaa doonayaa, markii aan isla judhiiba aan hakaday, ayaa wuxuun baan ku war-helay ninkii oo gaadhigeygii bakoorad la dhacaaya, deedna dhinacayga kale ayaan hada na eegay mise waaba dhowr nin oo kale oo soo yaacaya,
markaa ana gaadhiga ayaan ku jiray oo siddii baan ku soo baxsaday oo waan ka xafaray walaal markiiba. wax dhib ahna waxa i soo gaadhay nabarkaas gacanta ah oo markii uu daaqadayda bakooradda ku dhuftay ayey dhibtaa yari iga soo gaadhay, gaadhiga na muraayadahiisii baa burburay sida aad aragtaan.”.Ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Cabdillaahi Dhamme
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarta WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme), ayaa sida oo kale waxa uu sheegay in isla caawa fiidkii uu taleefankiisa uga soo hanjabay nin aanu garanayn oo ugu goodiyey in la dili doono haddii aanu ka soo bixin Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana aanu soo raacin beesha Subeer Awal
“Walaal weerarkani waa weerar qorsheysnaa, sababta oo ah caawa fiidkii hore ayaa aniga iyo niman dhallinyar ah oo uu ka mid yahay Abwaan Cawaale Deeqsi,
Haldoor Barkhad iyo Khadar Gureyte, waxa i soo wacay nin aanan
garanayn, deedna ninkaasi aad buu iigu hanjabay isaga oo markaa ilahaa waar maad reerkiina Subeer Awal soo raaci mise wadadii Barkhad baan adiga na ku marinaa, markaan ku idhi waar maxaad ka hadlaysaana waxa uu igu yidhi caawa oo kaliya ayaan fursad ku siinayaa ee ka soo tasho in aan wadadii Barkhad ku marino iyo in aad Subeer Awal aad soo raacdo. Intaa ka dib waan yaabnay walaal oo waan u qaadan waynay intayaddii oo dhammi deedna saldhigga dhaxe ee Hargeysa ayaanu fiidkii ninkaas ka diiwaan-galinay isaga iyo taleefankii uu iga soo wacay ba,
wakhtigaas na Maxamed Case oo ah taliyaha saldhiggaasi wuxuu ii balan-qaaday in uu ninkaas oo qabanaayo se nasiib darro intii aan beri la gaadhin ba waa kuwan dhexda caawa ii galay ee dhibtaa ii geystay.”.Ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here