Warbixin Iftiimisay Xaddiga Saamiga Ay Wasiirradu doonnayeen iyo Go’aankii DP World

0
634

-Toddobaadkii u dambeeyay waxa dalka Imaarraadka Carabta ku sugnaa guddi Wasiirro oo Madaxweynaha Somaalilaan u Xil saaray hirgelinta iyo inay dabadda ka riixaan Heshiiska heshiiska DP World iyo Xukuumadda Soomaalilaan.

Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo si dhaw ula socday arrinta Wasiirrada xukuumadda Siilaanyo iyo Shirkadda DP World in la isku fahmi waayay qaabka farsamadda iyo hir-gelinta Heshiiskaas, waxaannay Shirkadda DP World ay tuhun badan ka qabtay Xukuumadda Soomaalilaan oo wakhtigii la doortay uu dhammaaday, isla markaanna ku darsatay Muddo xileed korodh-siimo ah, taasoo ay uga hadhay  muddo ku siman Lix bilood oo qudha.

Warku waxa uu intaas ku daray in Shirkadda DP World

ay la soo baxday gacan saddexaad oo aan hore ugu jirin hishiiskii hor dhaca ahaa, taasoo noqotay dalka Ethiopia ee aynnu jaarka nahay, inkastoo marka horeba qabyo qoraalkas uu ku jirey qoddob odhannaaya Shirkadda DP World way iibin kartaaa Saamigeedda ah $65, taasoo u suurto-gelinnaysa talaabadda cusub ee Ethiopia.

Sidoo kale, Xubnaha wasiirrada ah ee ay ugu horreeyaan Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, ayaa dalbadday in marka heshiisku hir-galo la siiyo Koontarraadyo (Contract), oo ka mid yihiin Qalabaynta Dekedda berbera  iyo qalab lagu eeggo Koonteenaradda xidhan oo loo yaqaanno Scan oo Wasiirka Maaliyaddu u doonnayso Walaalkeed Xaaji Cabdi Aadan in Qandarraas lagu siiyo.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isaguna dalbadday in Shirkadda ganacsiga ee Al Xarbi oo ka soo jeedda beeshiisa, isla markaanna ay Shukaaro la noqon doonno ayaa uu dalbadday in la siiyo Maamulka Shaqaalaha Muruqmaalka ah ee geelayaasha iyo Maraakiibta hoostoodda wax ka rarra iyo kuwa lo yaqaanno Stavedrons-ka ee Maraakiibta dushoodda ka shaqeeya, kuwaasoo la sheegay in marka uu heshiiskani hir-galo la siin doonno Shirkaddo madax-bannaan.

Wiilka uu Madaxweynaha Soomaalilaan Soddoga u yahay ahna Wakiilka Soomaalilaan u fadhiya dalka isu-tagga Imaarraadka Carabta Baashe Moorgan, ayaa isaguna dhinaciisa waxa uu dalbadday in la siiyo “soo iibinta qalabaynta Dekedda berbera, Xafiisyadda iyo Agabyadda kale ee loo baahan yahay.  Sidoo kale, Baashe Moorgan waxa uu shirkadda u gudbiyay innuu leeyahay qalab Dekedda berbera ka shaqeeya oo lagu baadho tayadda baabuurta, inkastoo golaha Wakiillada laaleen qalabkaasi oo si Sharci-darro ah u shaqaynaayay.

Shirkadda DP World ayaa dhammaan dalabyadda ay soo gudbiyeen Mas’uuliyiintaas Soomaalilaan u matallaayay dhammaystirka Heshiiskaas si cad u diidday, kadib markii ay u muuqatay in Xubnaha Wasiirrada ahi ay doonnayaan inay dano shaqsiyaddeed oo gaara uga faa’iidaystaan Heshiiskan, waxaannay Shirkadda DP World fahamtay in Mas’uuliyiintani ay Musuq iyo wax is-daba-marin hoosta ku wattaaan, inkastoo ay jiri karraan haddana, Koontarraadyo hoose iyo Shirkaddo magac u yaal oo la isugu soo dhuunto.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Xaqiiq ah oo runtu tahay inaanay sidii ay doonnayeen Xubnaha Wasiirrada ahi aannay wax u dhicin, ha-yeeshee si loo muujiyo inuu heshiis dhacay, ayaa waxa la adeegsadday Saxaafadda qaarkood baahinnaayay warar Boranbogaado ah, waxaanna marag ma doon ah in Xukuumadda Siilaanyo ay adeegsatay hal TV oo fiddiya Dacaayaddaha Xukuumadda.

Fiirro Gaara

Haddii aad u fiirsato Website-ka Shirkadda DP World waxaad ku arkaysaa dalalka ay Heshiiska kula jirto iyo siday uga shaqayso iyo kuwa cusub ee ay dhawaanta heshiiska la galeen, balse ku arki maysid wax heshiis ah oo Soomaalilaan iyo Shirkadda DP World dhex maray.

Xigasho Hadhwanaagnews.com