WARQAD FURAN OO KU SOCOTA GUDDIDA ICTIRAAF RAADINTA SOMALILAND

0
378

Wq. Saxafi, Siciid Khadar aw Cabdillaahi

 Araar:

Qaranimada Somaliland waa geed ka baxay dhiigii iyo dheecaankii Naftood hurayaashii aan libiqsiga aqoon ee SNM. Kuwaasoo, u hub-qaatay hirgelinta rabitaanka shacabkooda la dariska ahaa dilka, Kufsiga, dhaca iyo quudhsiga.

Dagaal adag oo keenay dhimashada Nus Malyuun Qof oo reer Somaliland ah  iyo burburka Hanti aad u badan, ka dib, ayay Shacabka reer Somaliland mar kale dib u hantiyeen Qaranimadooda iyo jiritaankooda isla markaana ay gaar uga is taageen Dalkii Somaliya.

Sidaa darteed, Inkasta oo ay Somaliland ahayd Wadan Madax-bannaan 25kii Sanno ee ugu dambeeyey, hadana wali kuma guulaysan inay hesho Ictiraaf Caalami ah. Ujeedooyinka guddidiina loo magacaabayna taasay salka ku haysa.

siciid-khadar-300x172

Tallooyinkayga:

Mudane Guddoomiye, Gudodomiyaha Guddida ahna Wasiirka Khaarajiga S/land Dr. Sacad Sacad Cali Shire iyo guud ahaanba Xubnaha guddida, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa, Tallooyin aan is idhi ku kordhi Guddida.

  1. In Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) si wadajir ah u ansixiyaan Guddida loona aqoonsado Guddi Qaran.
  2. In dib loo furo Dastuurka Somaliland isla markaan lagu daro qodobo badan oo lagu xoojinayo Qaranimada Somaliland.
  3. In guddida loo sammeeyo Xeer u gaar ah.
  4. In Muddada guddidu jiraysaa ay noqoto ilaa inta S/land ay aqoonsiga Caalamka ka helayso.
  5. In guddidu samaysato Xafiis u gaar ah, Shaqaale u gaar ah iyo qorshayaal Xukuumada ka madax bannaan oo iyagu yeeshaan. Xukuumadu-se tallo ku yeelato iyo taakulaynta kolba waxay uga baahdaan.
  6. In Guddidu Xafiisyo ka samaystaan dhammaan gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Xafiis kastana loo sammeeyo Sanduuqyo Bulshadu ra’yigooda ku soo hagaajiyaan.
  7. Sidoo kale, In Guddidu ay Xafiisyo ka samaystaan dhammaan Wadamada Adduunka ee ay ku nool yihiin Muwaadiniinta reer Somaliland.
  8. In Guddida lagu daro Dad kala duwan oo metelaya ama ka socda: Aqoon-yahanka , Ganacsatada iyo Ardayda Jaamacadaha ee Dalkeena iyo waliba, Sharci-yaqaano Caalami ah iwm.
  9. In Guddida lagu daro qaar ka mid ah Saxafiyiinta reer Somaliland oo iskugu jira Aqoon-yahano, Khuburo iyo Sharci-yaqaano.
  1. In Guddidu ay ka hawl-galaan sidii xayiraada looga qaadi lahaa Afar Wargeys oo imika xidhan, Xukuumada waqtigan jirtaana ay ka joojisay daabacaadii oo qaarkood Muddo laba Sanno ah quful ku xidhan yahay xarumahoodii. Sababtoo ah, xadhigaasi wuxu Cambaar xun iyo bar madaw ku yahay qiimaha Qaranku ku dhex leeyahay Beesha Caalamka. Wargeysyadaasi, waxay kala yihiin:
  2. Wargeyska Haatuf.
  3. Wargeyska Hubsad.
  4. Wargeyska Xogogaal iyo
  5. Wargeyska Codka Shacabka.
  1. In guddidu ay samayso guddi-hoosaadyo shaqadoodu tahay, ka war-haynta shirarka Somaaliya la yeelanayso Caalamka isla markaana shir kasta oo Maamulka Somaliya joogaan ka qayb gasha, kuna soo bandhigta qadiyada gooni u istaaga S/land.
  1. Inay guddidu samayso guddi-hoosaad hawshoodu tahay, inay isha ku hayaan dhammaan war-biximaha kala duwan ee Maamulka Muqdisho ku baahiyaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, sida: Tv-yada, idaacadaha, Mareegaha iyo baraha Bulshadu ku kulmaan sida facebook, twitters, what’s app, imo iyo viper, iwm.
  1. Ugu dambayntii in guddidu ku hawl-gasho Murti balaadhan oo si qoto dheer uga hadlaysa guusha iyo aaminsanaanta dadka guulaysta. Murtidaasi, waxay tidhaa “Almost every successful person begins with two beliefs… the future can be better than the present, and I have the power to make it so.”

Taasi o oaf-soomaali ku noqonaysa “Qof kasta oo guulaysta wuxu ku hamiyayaa laba arimood, Mustaqbalku inuu imika ka fiican yahay iyo inuu leeyahay awoodii keenaysay guusha…

Gabagabo:

Waa qoraal aan diyaariyey iyada oo aanan xogogaal ka ahayn wax badan oo ku saabsan habsami u socodka shaqo ee guddida iyo qorshayaasha uga meel yaala hirgelinta hawlahan miisaanka leh ee loo xil saaray.

Tallooyinkayguna waxay salka ku hayaan siday  meesha uga saari lahaayeen burburka guddida ama inay baaba’do marka Dr Sacad Cali Shire uu ka tago Wasaaradda ama laga bedelo. Hawshoodiina ay halkaa ku istaagto, sidaynu hore ugu aragnay guddiyadii hore ee Madaxwaynuhu magacaabay.

Laga yaabaa in Dadka qaarkii si kale u arkaan, balse waa dareen si quman uga tarjumaya, Maskax ku taala shaqsi lexo-jeclo badan ka qaba Horumar uu ku tallaabsado Wadankiisu. Taasina khalad ma aha ee waa danteena iyo mustaqbalkeenaba.

Sidaa darteed Mudane Guddoomiye iyo Xubnaha guddida ee Sharafta badan-ba, Waxaanan idinka rajaynayaa inaad tallooyinkayga ka qaadataan intii idinka dhiman.

Wq. Saxafi, Siciid Khadar aw Cabdillaahi

Muxaafid@gmail.com

Hargeisa, Somaliland.