Wasiir Cismaan Dubbe, ayaa farriintan u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

0
356

 

Wasiir Cismaan Dubbe, ayaa farriintan u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Akhri

Ku: Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Warbaahinta Somaaliyeed ee ka hawl-gasha dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waan ku ammaanayaa dhabar adeyga iyo sida ay dalkooda ugu shaqeeyeen marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray.

Waxaan rabaa in aan ku boorriyo Hay’adaha Warbaahinta ee dalka ka shaqeeya iyo shakhsiyaadka iskood ugu shaqaysta mihnadda saxaafadda in ay mas’uuliyad weyn iska saaraan tebinta dhacdooyinka maalin-laha ah ee dalka iyo waxa ay tebinayaan lagana fogaado kicin iyo hurin colaad sokeeye oo dalka la geliyo. Ama been cad oo la tebiyo, daqiiqado kaddibna been noqota.

Dadka Facebook-ga caanka ka ah iyo weriyayaasha isticmaala baraha bulshada fadlan qoraalada aad daabacaysaan ka taxaddara oo ilaali nabaddaa iyo xasiloonida Dalka oo ay dan noogu wadajirto dhammaanteen.

Marxalad kasta oo Dalku wajaho ugu dambeyn way dhamaan doontaa, xalna waa laga gaadhi doonaa, laakiin adigu sabab ha u noqon in hal war ama hal Post oo aad flowers iyo ‘like’ ku raadineyso in dalkaaga u horseeddo halaag ama uu galo burbur iyo colaad sokeeye, ama uu sabab u noqdo geerida qof Soomaaliyeed oo soomman.

Digniin: Sharciga iyo taariikhda midkoodna ma cafin doono baas abuurka. Ha noqon baas-abuur.

Source Hassan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here