Wasiir Wadaani Oo Wasaarada Uu Maamulo Shilmaad Lacag Ah Shaqaalaha Wasaaradiisa

0
309

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani) oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin fal uu ku tilmaamay amni-darro oo lagu jebiyey xafiis ka mid ah dhismayaasha TV-ga Qaranka, warar uu ku sheegay been abuur oo sheegayaY in uu jiro Khlilaaf ka dhexeeya isaga iyo wasiir ku xigeenkiisa iyo faahfaahin uu ka bixiyey isbedelada horumarineed ee uu ka wado Wasaaradda.

shir jaraa’idkan ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha Guud Maxamed Cilmi Aadan, Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi Cali Mahdi, La taliyayaasha Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradaasi ayaa Wasiirku waxa uu ugu horayn saxaafadda uga xogwarramay Falka amnidarada ah ee uu sheegay in uu gudaha wasaaradda ka dhacay waxana uu yidhi sidan:’Xalay waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ka dhacay fal dembi ah oo lagu jabsaday xafiiska Qasnajiga TV-ga Qaranka, markii aan subaxnimadii shaqada soo galay waxaan u imid xafiiskaa oo jaban oo ay inantii ku shaqaynaysay qaylinayso oo leedahay xafiiskii baa la iga jabsaday oo 5.900.000 laga qaatay, warbixintaa markay na siisay waxaanu u yeedhnay Taliyaha Booliska, waxana aanu wargelinay ciidanka baadhista dembiyada, waxaana socda baadhitaan ku aaddan falkaasi’ isagoo intaa ku daray in sababta keentay inay talaabadaa qaadaan ay tahay in wasaaradda warfaafintu tahay xarun xaasaasi ah oo qiime weyn ugu fadhida Qaranka, hadii aan talaabo degdeg ah laga qaadin waxii dhacana ay suurogal tahay in la caadaysto falalka amnidarada ah ee kan la mid ah.

Md Caddaani waxa kale oo uu beeniyey warar sheegayay in mudadii uu Wasaaradda joogay uu istaagay barnaamijkii tooska ahaa ee Telefishinka Qaranka, waxana Wasiirku wararkaa ku sheegay in ay yihiin kuwo la been abuuray, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan: ‘horta waxaan moodayey in warbaahinta oo dhami ay ogayd in waxii aanu isla qaadanay ay ahayd in la hubiyo sugnaanshaha warka la baahinayo, labo maalmood waxa shabakadaha qaarkood lagu baahinayey in intii aan wasaaradda joogay uu istaagay barnaamijkii Tooska loo baahin jiray ee TV-ga qaranku, waa war aan waxba ka jirin, barnaamijkaasi waxa uu istaagay 24 Bishii November ee sanadkii ina dhaafay, anna halkan (Wasaaradda) waxaan joogay muddo sadex todobaad ah mudadaana waan ka shaqeeyey sidii barnaamijkaa dib loogu hagaajin lahaa, aniga oo agaasimihii farsamada ee wasaaradda u diray Dalka Thailand si arinkaa degdeg loogu hagaajiyo, waxana aan sii daayey kharashkii ku baxayey, markaa kuwo soo qoraya waxaan leeyahay war Caddaani wax ku yeeli maysaane qaranka u tudha oo wararka aan sugnayn ee aad dadka u baahinaysaan ka daaya, anaguna hadaanu nahay hay’adii qaranka uga mas’uulka ahayd warbaahinta ka ogolaan mayno inan weriye ah oo fidmo abuuraya oo anshaxii saxaafadda baal maraya oo aan cidna u tudhayn, waxaanu wax ka qabashadiisa u maraynaa sharciga dalka u yaalla waana la xisaabtamaynaa,’ iyadoo Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi cali Mahdi oo isna shir Jaraa’idkaa ka hadlay uu xaqiijiyey in baahintii tooska ahayd ee TV-gu ay cillad farsamo u taagnayd tan iyo dhamaadkii bishii December 2015, Wasiirkuna markii uu wasaaradda yimid ka hawlgalay sidii loo cillad bixin lahaa, waxana maareeyuhu sheegay in qaybtaasi dhowaan shaqo geli doonto iyadoo intii hore ka ballaadhan.

Wasiirka Warfaafintu intii uu ku dhex jiray shir jaraa’idkiisa waxa uu u mahadceliyey warbaahinta waaweyn ee Dalka oo uu ku sheegay inay badankoodu hirgeliyeen go’aamadii ku saabsanaa qaabka wax looga tebinayo arimaha maslaxadda Qaranka ku taxaluqa, isagoo ballanqaaday in duruuf kasta oo jirta ay ilaalin doonaan xaqqa ay saxaafaddu u leedahay madaxbanaanideeda iyo inay helaan war, saxaafadda lafteedana ay la gudboon tahay inay xaqiijiyaan sugnaanshaha warka iyo waxii kale ee ay baahinayaan

Md Caddaani waxa sidoo kale uu sheegay in wararka been abuurka ah ee la baahiyey ay ka mid tahay khilaaf la sheegay in uu ka dhexeeyo isaga iyo wasiir ku xigeenka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxana uu ku sifeeyey wararka noocaas ah kuwo ay wasaaraddu hore u caadaysatay laakiin aan xiligan jirin, meel laga keenayna aanu garanayn, iyadoo Marwo Shukri Xariir oo Wasiirka ka bacdi shir Jaraa’idkaa ka hadashayna ay beenisay haba yaraatee jiritaanka khilaaf kala dhexeeya wasiirka ama khilaaf soo kala dhexgalay guud ahaan madaxda Wasaaradda.

Gebagebadii Shir jaraa’idkiisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) waxa uu tilmaamay qorshayaasha isbedel ee uu ku hawlanaa mudadii koobnayd ee uu Wasaaradda joogay sida tayaynta waaxyaha baahinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, oo ay soo raacaan adkaynta amniga xarunta Wasaaradda iyo ku ilaalinta shaqaalaha xiliyada shaqada iyo kaltankeeda.

“ Waxaan doonaynaa in Radio Hargeisa, Tv-ga Qaranka iyo wargaysyada Dawan ay noqdaan kuwa ugu horeeya warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha, waxaa noo qorshe ah in Wakaaladda wararku aan ka dhigno mid caalami ah oo guud ahaan warbaahinteena iyo Warbaahinta caalamiga ahba u noqota il-wareed ay xogta ka helaan, waxaanu ahmiyadda siinnay in la adkeeyo amniga xerada wasaaradda oo shaqada ka dhex socotaa muhiimad weyn u leedahay Qaranka, waxa naga go’an in aanu isbedel muuqda ku samayno waaxyaha kale ee Dhaqanka iyo Wacyigelinta’ sidaa waxaa shir jaraa’idkiisa ku sheegay Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isna shir jaraa’idkaasi kelmad ka jeediyey waxa uu sheegay inay isbedelada wasaaradda ee wasiirku hormuudka ugu yahay ay sii soconayaan, sidoo kalena la sii wadayo qorshaha kaltanka shaqada iyo shaqaalaha, waxa laga wada shaqaynayo ee laga wada tashanayaana ay tahay dantii Qaranka