Wasiir Waran-cadde Oo Tacaddigii Ugu Xumaa Somaliland Kula Kacay Suxufi Ay Ilaaladdiisu Qafaalatay

0
350

Hargaysa(Ceelgardinews.com):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu si adag u canbaaraynayaa talaabada ay wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo ilaaladiisa gaarka ahi ku qafaasheen isla markaana Guri ugu xidheen iyagoo dhaawacyo gaadhsiiyey Wariye C/laahi Ismaaciil Caarshe oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland.
oo Dukaan wax ka iibsanaya waxaanay ku riteen gaadhi iyagoo la tagay guri ku yaala meel qarsoon, waxaanay ugu geeyeen wasiirka isagoo markiiba gacanta u qaaday xilligaas oo Askartiisa mid ka mid ahina Laba-dible u hayey Suxufiga.
Wasiir Warancade iyo ilaaladiisa gaarka ah ee wariyaha Guriga Qarsoon ku garaacay waxay hayeen illaa iyo galinkii danbe iyagoo markii ay dhaawacyo culus u gaysteen si Qarsoodi ah u geeyey Saldhiga Dhexe, halkaas oo ay hadana Qol madow ku xidheen, iyadoon la marin OB.
Sida uu wariye C/laahi Ismaaciil Caarshe u xaqiijiyey Ururka SOLJA mudadii Saldhiga lagu hayey oo dhamayd sadex cisho waxa laga qariyey in ay Eheladiisa iyo Ururka SOLJA ogaadaan, iyadoo cunto na aan la siin, hase yeeshee markii danbe maxbuus uu waji gartay oo u dooday na khasaare Booliisku ku dhex gaadhsiiyeen Saldhiga.
Dhacdadan oo ah tii ugu xumayd ee sanadkan dhacda waxay caddaynaysaa in uu Wasiirku ku talaabsaday ficil aan ka dhicin dal shuuci ah, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland tahay Dal Dimuquraadi ah oo waliba Dastuurka qaranka iyo Xeerka Saxaafaddu ba damaanad qaadeen madax banaanida Saxaafadda iyo Xorriyatul-qawlka.
Wasiir warancade ma aha markii koowaad ee uu hab-dhaqankan foosha xun ku kaco hase yeeshee sidan oo kale waxay isaga iyo ilaaladiisu waxyeelo aan ciqaabteeda lagu qaadin kula kacay Suxufiyiin kala duwan isagoo mar kasta sharciga gacanta ku qaata.
Wasiir Warancade waxa uu Dacwad ka furtay Maxkamadda isagoo ka cabanaya War laga qoray, waxaanay Maxkamaddu u yeedhay masuuliyiinta wargeyskii warkaa qoray, iyadoo dacwadaasi taagan tahay waxa uu Warancade kula kacay Suxufigan Ciqaab tii ugu adkayd, halka ay ka ahayd in uu ka sugo Dacwadaasi go’aankeeda.
Wariye C/laahi Ismaaciil Caarshe kama tirsana Wargeyska Warka qoray, hase yeeshee falka uu wariyaha kula kacay waxa uu u muuqdaa mid badheedh ah oo uu ku hayo Suxufiyiinta kala duwan, isagoon marnaba qarsan dhibta uu kula kaco Suxufiyiinta.
Ururka SOLJA waxa uu mar kale si adag u canbaaraynayaa wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaanan ugu baaqaynaa Garsoorka inay talaabo ka qaadaan awsiirka isagoo Dacwadiisii taalo Maxkamadda xukunkii gacantiisa ku fushanaya, maadaama sharciga aanu u hogaansanahay ay tahay in masuuliyiinta na lagu qaado.

Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA