Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan Oo HABEENKII XALAY MADAXTOOYADA LAGU QABTAY OO LAGA SEEXAN WAAYAT DHAWAAQA RASHKA OO XARAD BEELAY

0
348

Hargaysa (Ceelgardinews.com) habeenkii xalay ayaa waxa ka dhacay aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa kulan balaadhan oo loogu xafladaynayo dhaxal wqareejinta Dekeda Berbdera, kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Madaxweyne Siilanyo iyo masuuliyiintooda kaga jira Xukumada ayaa waxa lagu muujiyay farxad balaadhan oo ay ku faanayaan inay Dekedii Berbera ku wareejiyeen shirkad ay share badan ku leeyihiin Berberana ay qabsadeen iyada oo ay dabaal dagaas iyo farxadaas kju muujiyeen rash aad ubadan oo laga ridaayay aqalka Madaxtooyada oo hawada loo diraayay rashkaas oo fajac iyo amakaag ku riday shacabka reer Hargeysa oo ilaa xalay aan ka seexanin dhawaaqa iyo bidhaanta Rashkaas hawada loo ridaayay oo aan kala go lahayn.

madaxtooyada-1

Waxa kaloo kulankaas xaflada ahaa xalay lagu go,aamiyay oo Beesha Madaxweyne Siilanyo go,aan Beelaysan ku qaateen in Marka Dekeda Berbera shirkada DP World lagu wareejiyo loo bixiyo Magaca(Miina Ahmed Siilanyo) Oo afsomali ahaan noqonaysa Dekeda Axmed Siilanyo oo magacaas loogu wanqalo doono qorshahaasina yahay mid lasoo dajiyay.

Hadab waxay tahay su,aasho Reer Saaxil ma ogyihiin colaad guunka ah wasiir samsam iyo xubaha kale xukumada madaxwayne silaanyo ugu tunka wayni u hayaan , kuwa daba dhilif ka ah ee xiligan horyaacaya ariamaha noocan ah ee dadka colaad guunka u hayay gobolka xagay ku danbayn donaan

Umagaca Bixinta Dekeda Berbera ee Magaca Madaxweyne Siilanyo ayaa waxa la qorsheeyay inay ku dhawaaqaan Wasiirada kasoo Jeeda Beesha Habar Awal oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Debeda Dr Sacad Cali Shire , Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan , Wasiirka Ganacsiga Xuseen Dayr, Wasiirka Warshadaha shuceyb Maxamed Muuse kuwaas oo awaamiirta la faro sidooda uqaadan doona.

Wararka aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in shirkada DP World arinka magac bixintaas ka caga jiiday iyaga oo masuuliyiinta shirkadu ka baqe qaba in kacdoon magacaasi ku kiciyo shirkada hadiiba ay Maamulka Dekeda la wareegto oo gacan taagii lacaga lagu meel mariyay Berbera ka hirgalo.

Ujeedada koowaad ee Beesha Madaxweyne Siilanyo arinkan usamaynaysaa waa sidii ay dagaal adag oo dawladaysan ula gali lahayd Beesha Gobolka Saaxil oo ay ciil badan iyo cunfi uhayaan.

 

Cabdiraxmaan Axmed Xasan(Jaleeco)

Freelance Journalist

Hargeysa/Somaliland

Jaleeco67@gmail.com