Wasiirka Cadaalada Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Isku Maandhaafsan Hawl Gelinta 25 Garsoore Oo Loo Tababaray Garsoorka Iyo Xeer Ilaalinta

0
271

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland Proff Aadan Xaaji Cali iyo wasiirka cadaalada somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa isku maandhaafsan sidii loo hawl galin lahaa 25 garsoore oo loo tababaray xeer ilaalinta iyo garsoorka oo tababar ku qaadanayey xarunta wasaarada cadalaada.

Aadan-Xaaji-Cali

Garsoorayaashan oo ahaa dufcadii afaraad ee loo tababaro garsoorka iyo xeer ilaalinta ayaa loogu tala galay in la hawl galiyo marka ay tababarka qaataan hay’addaha garsoorka  iyada oo hore loo hawl galiyey sadex dufcadood oo ka horeeyey oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakada Hadhwanaagnews Garsoorayaashan oo mudo todoba bilood

–  ah loo tababarayey xeer ilaalinta iyo garsoorka somaliland ayaa lagu war geliyey inay ka hawl galayaan hay’addaha garsoorka iyo xeer ilaalinta, waxaana haatan si cad u hor istaagay gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland kaas oo ku doodaya inaanu u hayn meelo ay ka shaqo galaan, halka uu hawl galiyey qaar ka mid ah dadkii tababarka soo codsaday ee ku guul daraystay inay ka soo gudbaan imtixaankii lagaga mid noqonayey garsoorayaasha tababarka qaadanaya.

Dhinaca kale wasiirka cadaalada somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa wali ku adkaysanaya in garsoorayaashan tababarka qaatay laga hawl galiyo hay’addaha garsoorka ee loo tababaray iyo xeer ilaalinta, iyada oo gudoomiyaha maxkamada sare-na ku doodayo in garsoorayaashan tababarka qaatay laga hawl galiyo  qaar ka mid ah wasaaradaha dalka oo lagu daro shaqaalaha dawlada, halka garsoorayaasha tababarka qaatayna ay ku doodayaan in laga hawl galiyo hay’addaha garsoorka oo garsoorayaashii hore ee tababarka qaatayba laga hawl galiyey.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka cadaalada iyo gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland ayaa laga war sugayaa qaabka ay ugu heshiiyaan hawl galinta garsoorayaashan tababarka qaatay iyo go,aanka ay ka qaataan.

Xigasho Ceelgardinews.com