Wasiirka Daakhiliga Oo Hanjabaad Culus U diray Dadka Hurinaya Colaada ceel-afweyn

0
301

Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanu sheegay in hadda Ciidamada Qaranku ku kala dhex jiraan, oo Dawlad ahaan waajibkoodii ka gudanayaa, waxaanu digniin u diray cid walba oo iyadu colaad hurinaysa, waxaanu sheegay in aanay cidna ka yeelaynin hurin dagaal, waxaanu tilmaamay inay qabanayaan cid walba oo dhib wada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay si sharciga waafaqsan oo ku saleeysan barnaamijkooda siyaasadeed ay ku tartamaan, balse aanay qabyaalad ku tartamin, waxaanu xusay in qabyaalada oo khasaare mooye aanay wax faa’iido ah lahayn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “ Waxaan ku baaqayaa in nabadgalyada la  ilaaliyo, in xasiloonida la ilaaliyo, in colaadan iyo xasilooni darada la joojiyo oo dhinaca walba joojiyo, in wixii dhib ah ee dhacayna loo daayo Dawladda, sidii wax u dhaceena Dawladda ayaa qorsheynaysa sidii ay wax uga qaban lahayd, dad Gawaadhida wata, ama jidgooyada sameynaya, ama doonaya inay colaada huriyaan, gacan bira ah ayey Dawladdu ku qahanaysa, imika Ciidamaada ayaa ku kala dhex jira, oo Ciidanka ayaa nabadgalyada sugaya inta la iskugu imanayo, ee Dawladdu labada dhinac isku keenayso in dhibka la joojiyo ayaan soo jeedinayaa”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dadka iyagu hurinaya colaada ama kharash ku bixinayaa waa dambilayaal iyo fidno-wadayaal, oo gacan bir ah ayaana lagu qabanayaa, loona arxami maayo, Odayaashana waxaan u sheegaya inay dadka qanciyaan oo ay dhibta ka saaraan, oo wanaaga iyo nabadgalyada ku qanciyaan”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey Xisbiyada iyo Qabyaalada ayaa yidhi “Dalku qabyaalad horumar kuma gaadhayo, lu’gooyo  maaye, qabyaaladu waxay burburiso mooye, waxay tartaa ma jirto, dalku wuxuu horumar ku gaadhi karaa in Siyaasad lagu tartamo, oo Xisbiyadu soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed, iyo sidii uu dalku horumar ugu sii gudbi lahaa, ee qabyaalad iyo is difaac dalkani horumar ku gaadhi maayo, dadkuna halkaas ay joogaan dhaafi mayaan, ee Xisbiyadu siyaasad iyo barnaamij ha ku tartamaan”

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey kaadh qaadashada ka bilaami doonta Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa yidhi “Labada Gobo lee Sool iyo Sanaag, waxa ka bilaabi doonta kaadh qaadashadii, guud ahaan dadku wey og yihiin in kaadhka la qaadanayo, markaas waxaan ugu baaqayaa kuna baraarujinayaa in aanay dhayalsan arintaas, kaadh qaadashada iyo codeynta Doorashaduna  waa waxa kaliya ee qof walba uu taladda dalka kaga qayb qaadan karo, kuna muujin karo Siyaasada iyo hogaaminta taladda dalka, waxaana qof walba ku dhiirigelinayaa in la is abaabulo, oo la is booriyo oo aan wakhtiga la iska dayicin, kaadhkana la qaato,dad badan baa is dhayalsaday, oo intii ay is lahaayeen suga uu wakhtigii ka dhacay, ee kaadhadhka ha la qaadto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here