Wasiirka M/tooyadda M. Xaashi, Wiilka Madaxweynuhu sodogga u yahay Canaan Dheggaha Goostay Maayir Cidin kuna Amray Inaanu Warkii Xildhibaan Saleeban Ka Bixin Warbaahinta + Shirkadda Dp World oo Dib-u-guraasho Bilowday…

0
275

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa ku fashilmay tallaabooyin handidaad ah oo uu damacsanaa inuu Warbaahinta kaga baajiyo sii daynta warkii Xildhibaan Saleeban Cali Khayre, kaasoo ka dhex toosay madal ay joogeen waftigii Shirkadda Dp World, kuwaasoo uu ka codsaday inay bulshada usoo bandhigaan Heshiiska rasmiga ah ee xukuumada waqtigeedi sii dhamaanaayo la gashay.
Hadalkii Xildhibaan Saleeban Cali Khayre oo Fulkaane ku noqday kaaderiyiin iskugu jira wasiiro, guulwadayaal Xildhibaan, iyo Wiilka Madaxweynuhu sodogga uu yahay oo isaggu Dilaalka koobaad ee Beriska loo bislaynaayo ah, ayey la soo deristay kala kac iyo fadeexad, iyagoo markii hore waftiga ugu sheekeeyey inay bulshada kasii dhaadhiciyeen Heshiiskii ay Dubai kusoo kula saxeexdeen waftiga madaxweyne siilaanyo.
Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u yahay ayaa canaan labada dhegood goostay Maayirka Magaalada Berbera, iyagoo ku canaanaya sababta uu xildhibaan madasha uga hadlay ee uu isagu ugu hadli waayey afka golaha deeganka Berbera. Hase-yeeshee Maayir Cidin ayaa kaga dareen ceeliyey inaanu ka filayn inuu Xildhibaan Saleeban Cali Khayre hadalka ka boobi doono, oo uu dhuuntay. Isagoo Maayirka Wasiirka iyo Wiilka Madaxweynuhu sodoga u yahay ku raali geliyey inaanu warkiisu ka baxay warbaahinta oo amar siin doono Wariyaasha gobolka.
Sidoo kale, Maayir Cidin ayaa qaaday talaabo uu ku damacsan yahay inuu isku hortaago baahinta Warka Xildhibaan Saleeban, walow ku guuldareystay oo Wariyaasha ka hawlgala gobolku ka diideen Hindisihiisi dhiciska ahaa, hase-yeeshee Maayirka ayaa wariyaasha ugu jawaabay inuu garaaci doono haddii ay sii daayan, waxa’se guuleystay warbaahinta oo warkii xildhibaanka sii daysay.
Si kastaba ha ahaatee, jawigii madasha maanta ee ay ku sugnaayeen waftigii ka socday Shirkadda Dp World ayuu hadalka xildhibaan saleebaan cali Khayre gilgilay kuwaasoo ay si weyn uga xummeeden weedhaha xaqiiqada ah ee xildhibaanku sheegay, sidoo kalena, waxa iyaggu dhinacooda dib-u-guraasho bilaabay waftigii ka socday Shirkadda maalgelinta Dekedda Berbera u socotay, kuwaasoo fahmay inay cidi wax lasoo saxeexatay inay Musuq-maasuq waxku raadinayaan oo labada dhinacba ay khiaameynayaan.