Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Dr.Cumar Shucayb Mohamed iyo Waftigiisu ku sugnaayeen dalka Masar ayaa waxa ay booqdeen xarumaha kala duwan ee Dawladda , waxa ay sidoo kale booqdeen , Warshado Wax soosaar oo ka jira dalka sida Warashada soo saarta Daawooyinka.
Markii uu Wasiirku soo dhamaystay booqashadiisii Warshadaha kala duwan ee kajira dalka Waxa uu lakulmay Maalgashadayaal tiro badan oo kamida kuwa maalgaliyay Warshadaha kajira dalka Masar , isaga oo kala hadlay inay Somaliland ay u maalgaliyaan si lamida oo ay uga hir galiyaan Warshado abuura waxsoosaarka dalka.
Dhinaca kale Masuuliyiinta Ganacsatada iyo Maalgashadayaasha ayaa iyana muujiyaya rabitaankooda inay Maalgaaliyaan Somaliland , iyaga oo ballan qaday inay soo diri doonaan guddiyo soo indha indheeya dalka JSl
.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga JSL ayaa page kiisa Facebook waxa uu soo dhigay sawirro muujinaya Goobaha Qadiimiga ah ee ugu caansan Waddanka Masar oo aan loo ogalaan inay booqdaan cid aan ahayn Madaxweyne ama Wasiir.
Wasiirku waxa uu sidoo kale booqqday Tower ka ugu dheer , isaga oo saxeexay Buug ay saxeexaan oo kaliya Madaxda Dawladaha soo boqda dalka Masar.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Dr. Cumar Shucayb Mohamed waxa lafilayaa inuu lasaxeedo heshiis kusaabsan xoojinta Gancsiga dhiggiisa ee Dalka Masar.
Wasiirka ayaa Waxa ku wehelinayay safarkiisa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga , Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ganacsiga JSL.