Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Ku Sugan Dalka Masar Iyo Ujeeda Socdaalkiisa Halkan Ka Akhri

0
332

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Dr.Cumar Shucayb Mohamed iyo Waftigiisu ku sugnaayeen dalka Masar ayaa  waxa ay booqdeen  xarumaha kala duwan ee Dawladda , waxa ay sidoo kale booqdeen , Warshado Wax soosaar oo ka jira dalka sida Warashada  soo saarta Daawooyinka.

Markii uu Wasiirku soo dhamaystay  booqashadiisii Warshadaha kala duwan ee kajira dalka Waxa uu lakulmay Maalgashadayaal tiro badan  oo kamida kuwa maalgaliyay Warshadaha kajira dalka Masar , isaga oo kala hadlay  inay  Somaliland  ay u maalgaliyaan  si lamida oo ay uga hir galiyaan Warshado  abuura waxsoosaarka dalka.

Dhinaca kale Masuuliyiinta  Ganacsatada iyo Maalgashadayaasha ayaa iyana muujiyaya  rabitaankooda inay Maalgaaliyaan Somaliland , iyaga oo ballan qaday inay soo diri doonaan  guddiyo  soo indha indheeya  dalka  JSl

 

.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga JSL  ayaa page kiisa Facebook waxa uu soo dhigay  sawirro muujinaya  Goobaha Qadiimiga ah ee ugu caansan  Waddanka  Masar oo aan loo ogalaan inay booqdaan cid aan ahayn Madaxweyne  ama Wasiir.

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale booqqday Tower ka ugu dheer   , isaga oo saxeexay  Buug ay saxeexaan oo kaliya  Madaxda Dawladaha  soo boqda dalka Masar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Dr. Cumar Shucayb Mohamed  waxa lafilayaa inuu lasaxeedo heshiis kusaabsan xoojinta Gancsiga dhiggiisa ee Dalka Masar.

 

Wasiirka ayaa Waxa ku wehelinayay safarkiisa  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga , Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ganacsiga JSL.