Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa manta kulan iskugu yeedhay bahda garsoorka iyo cadaalada JSL.

0
68
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa manta kulan iskugu yeedhay bahda garsoorka iyo cadaalada JSL.
kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye Kuxigeenka Maxkamada sare ee dastuuriga JSL Mudane Maxamed Cumar geele, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL Mudane Cabdiraxman Jaamac Hayaan, Gudoomiyaha guddida
dib u habaynta shurucad dalka Mudane Maxamuud Xuseen Faarax.
Ujeedada kulanka oo ahayd gunaanadka iyo gabogabada diyaarinta XEERKA CIQAABTA GUUD ee Somaliland oo noqonaya Mudo 32 sano oo qaranka Somaliland jiray uu noqdo xeer u gaara Jamuuriyadda somaliland.
Gudoomiyaha guddida dib u habaynta shuruucda JSL ayaa sheegay in mudo la soo waday Xeerkan oo hada dhamaaday.
Gudoomiye ku xigeenka Maxakamadda sare Mudane Maxamed Cumar Geele ayaa sheegay in dhammaan Maxakamadaha dalka iyo bahda Cadaaladu ay ku dhaqmi doonaan.
Xeer ilaaliayaha Guud qaranka ayaa sheegay in xeerkani waafaqsan yahay shareecada islaamka iyo dastuurka Jamuuriyadda somaliland
Qodobkiisa 5aad.
Ugu dambayntii waxaa madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha qaranka Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdinasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay inaan Somaliland ku dhaqmi doonin xeerar laga dhaxlay dawladii hore ee soomaaliya xeerkana dhawan la horgayn doono golaha Wasiiradda waxana u xusay in taariikhda uu ku galayo Madaxweynaha JSL Muadane Muuse Biixi Cabdi noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee saxeexa Xeer dalka Somaliland leeyahay.
Alla Mahad Leh