Wasiirkii Hore ee Ganacsiga oo ka Hadlay Ahmiyadda Doorashooyinku u Leeyihiin Somaliland

0
424

Wasiirkii Hore ee Ganacsiga oo ka Hadlay Ahmiyadda Doorashooyinku u Leeyihiin Somaliland iyo Arrinta Ceel-afweyn

Hargeysa—— Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dr. Cumar Shucayb, ayaa ka hadlay ahmiyadda doorashooyinku u leeyihiin Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in laga wada shaqeeyo oo asxaab iyo xukuumadba wada jir looga shaqeeyo sidii ay xilligooda ugu qabsoomi lahaayeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee Ceel-afweyn ee soo noqnoqotay iyo sida loogu baahan yahay in gacan dawladeed oo adag wax lagaga qabto lana qaado tallaabooyin dhawr ah.

Waxaanu intaa raaciyay in aan sas laga qaadin kulanka siyaasiyiinta xilalka haya Soomaaliya iyo madaxda Somaliland isagoo intaa ku daray in dhaqan, diin iyo Soomaalinimo innaga dhaxayso isla markaana aanay munaasib ahayn in salaanta la isla dhaafo.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Dawan. Ugu horrayn Dr. Cumar Shucayb oo ka hadlayay xalka Ceel-afweyn siday ula muuqato in uu ku jiro, ayaa yidhi. “Horta arrinta Ceel-afweyn way soo noqnoqotay waxaanay qaranka ku tahay masiibo soo noqnoqotay oo dhibaato ku ah dalka iyo dadka oo dhan, waxaanan u arkaa in laba qodob arrinta Ceel-afweyn xalkeedu ku jiro, qodobka koobaad waxaan u arkaa in xalku ku jiro in guud ahaan dadka deegaanka oo dhan hubka laga guro, imika waxaan aragnay in la yidhi hubkii cuslaa ayaa laga gurayaa, laakiin wali dadkii way hubaysan yihiin intay qoryihii fududaa sitaan, markaa qodobka koobaad ee u baahan in lagu dhaqaaqaa waa in dadkaa oo dhan hubka laga guro, waxaan ognahay oo aan ka wada dheregsannahay in xukuumadda Somaliland oo Madaxweynaha qaranku gadhwadeen u yahay, goleyaasha qaranka, asxaabta, culimada madaxdhaqameedka iyo guud ahaan waxgaradka Somaliland in ay u kaceen nabadaynta arrinta Ceel-afweyn oo marar badan la galay oo muddo badan loo fadhiyay,haddana markasta oo la is yidhaaho imika ayay nabadi halkaa ka aslaaxday dib ayuunbay qaylo uga soo yeedhaysaa, markaa horta arrinta Somaliland dawlad iyo waxgardba umay yaraysan in ay nabadayn ka dhex dhaliso beelahaa walaalaha ah ee dhigoodda bannaystay laakiin waxa loo baahan yahay in hub ka dhigis dhammaystiran lagu sameeyo oo gacan dawladeed oo adag lagu qabto, tallaabada labaadna ay noqoto sidii Madaxweynuhu amarka ku soo saaray in tallaabo laga qaado dhanka mar dambe wax gaysta oo ay dareemaan in qaladka ay galeen laga goynayo laakiin maalin walba hadii wax dhacaan oo nabad uun loogu baaqo waxba ka dhammaan maayaan, markaa waxaan odhan lahaa imika waataa arrinta hadana dib loo galay ee yaan loo kala tegin hubkana mid yar iyo mid waynba halaga qaado cid kasta oo dil geystana sida shareecada Islaamku inna farayso halla qisaaso oo gacanta ha lagu soo dhigo dhinaca gacan ku dhiigle dambe dabada geliyana tallaabo adag ha laga qaado,”

Dr. Cumar Shucayb oo ka hadlayay go’aan golaha wakiiladu ku laalay mooshin xisbiyada qaranku ku heshiiyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka gudida doorashooyinka oo Madaxweynuhu u soo gudbiyay, ayaa yidhi. “Horta Xisbiyada iyo Madaxweynuhuba si wanaagsan ayay isu afgarteen heshiisna way ka wada gaadheen sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen wax ka bedelka gudida doorashooyinkana waxay isla qaateen in loo gudbiyo golaha wakiilada oo markaa haddii ay ansixiyaanna 9 xubnood laga dhigo haddii ay diidaanna 7-dii xubnood doorashooyinka ay qabtaan markaa taasi maaha wax dhib ku keeni kara doorashooyinka ayay ila tahay, laakiin waxaad mooddaa in golaha wakiiladu in aanay daacad ka ahayn in doorashooyinku ay qabsoomaan oo ay iyagu dabada hayaan, wax ay dalka u qabteen oo la sheegi karaana ma jiro iyo xeerar ay dalka u soo saareen xilligaan wasiirka ahaa ayaan ku daalnay in ay dalka shuruuc u curiyaan markaa maaha dalka Somaliland in ay iyagu iska yeeshaan ee waa in ay ogolaadaan in doorashooyinku ay qaboonaan oo ay ka hor baydhaan, laakiin maaha in qaran dhan oo isku tashaday oo iksu duuban oo dedaal ugu jira in ay aqoonsi caalami ah ka helaan beesha caalamka in uu u afduubnaado xildhibaano aan raalli ka ahayn doorasho lagu bedelo, dalkana maaha in ay u ekaysiinaan dal fashilmay. Waxaanay doorashooyinka oo xilligooda inoo qabsooma Somaliland u horseedayaan in ay sumcad ku hesho oo ay soo dedejiso aqoonsiga qaranku u halgamayo.”

Dr. Cumar Shucayb waxaa kale oo uu ka hadlay Sawir Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah wasiirada ku wehelinayay gudashada waajibaadka Xajka oo ku sugnaa dalka Sucuudigu ay wada galeen xubno ka mid ah wasiirada Soomaaliya, waxaanu sheegay in aan sas laga qaadin in madax Soomaaliya xilal ka haya iyo madax Somaliland ahi haddii ay kulmaan taasoo uu tilmaamay in ay jiraan waxyaabo badan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya loona baahan yahay in aan xumaan loo arag wada kulanka,salaanta iyo is-aragga madaxda labada dhinac,waxaanu u soo jeediyay Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaridkuba in ay ka fogaadaan isku eedaynta Soomaaliweyn.

Isagoo arrintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi. “Waxaa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay sawir Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mid ah wasiiradeena oo gudashada waajibaadka Xajka u jooga Sucuudigu ay la galeen xubno ka tirsan wasiirada Soomaaliya,horta Soomaaliya madaxdeeda iyo madaxda Somaliland in ay is arkaan in sas laga qaado maaha waxaan qabaa in xisbiyada mucaaridka ah yo xukuumaddaba ay is arki karaan madaxda dawladda Soomaaliya marka ay hudheel ama safar isugu yimaadaan oo aanay habboonayn in ay salaanta la kala baydhaan waayo? Waxaa inna kulmisa Islaamnimo,Soomaalinim dhaqan iyo afna waynu wadaagnaa markaa sax maaha in aynu salaanta xaaraan u aragno imika halka ay madaxweynaha iyo wasiirada Soomaaliya isku arkeenna waaba halkii caalamka Islaamka oo dhammi isugu imanayay ee ALLE loogu cibaadaysanayay in halkaas salaanta la isla dhaafaana waabay adagtahay,arrinta Somaliland iyo Soomaaliya wada hadalkooda iyo qaddiyadeena ka midhi dhalinteeduna wax ay salaam iyo is nabdaadin madaxdeena iyo kuwa Soomaaliya dhex martaa ay waxyeelayn karto maaha arrimaha masiirga ahna waa laga wada tashanayaa oo qaranka Somaliland oo dhan ayay u taalla.” ayuu yihi Dr. Cumar Sucayb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here