Waxa Aan Aaminsanayahay In DP World DANBAY Aqoon Yahan Axmed Saleen Cumar (Guuto) Qoradii .3

0
374

Muqdisho (Ceelgardinews.com) Waxaa beryahan soo baxayey hadal haynta maalgalinta DP world ay ku samaynayso dekedda weyne berbera oo la rabo inay la tartanto dekedaha bariga Africa iyo guud ahaan kuwa caalamka. Markaad eegto wadamada aynu jaarka nahay ee dekedaha leh waxay gacanta u galiyeen cid u casriyaysa sida Jabouti iyo ta Mogadishu oo Turkish ku wareejisay. Sidaa daraadeed in dekedda la casriyeeyaa waa horumar u soo kordhay Jamuuriya Somaliland iyo gaar ahaan gobalka dekedu ku taalo ee Saaxil.

13866885_688964074594265_692034762_n

Haddaba dad baa inta badan waxay baraha bulshadda ku soo qorayaan DP World shirkad caalamiya maaha iyagoon si cilmiyeysan u darsan laakiin ay caadifadi ka muuqato. DP World waa shirkad maamusha saddex meelood dekedaha caalamku isticmaalo kuwooda ugu magaca iyo balaadhka wayn waliba waddamada aduunyadda ugu horeeya ee horumar tusaale ahaan sida USA iyo Canada markaa waxaan leeyahay maxay Maraykan ugu aaminay dekediisa ee Berberana loogu aamini waayey.

Waa shirkad magac wayn ku leh dunidda sidaa daraadeed dadka ku eedaynya inay musuqmaasuq iyo heshiis aan cadayn kula wareegayso dekedda berbera waxaan leeyahay waar waa shirkad samacadeeda ilaashanysa, mana qabo inay dad gaara wax kula heshiin karto sida dadka qaarkii leeyihiin waayo 30 sanadood qoladda hadda joogtaa ma iyagaa joogaya miyaan isbedel dhici Karin soo cidii timaadaa kala wareegi mayso haddii heshiis cadi aanu jirin. Waxaan kale oo dedwaynuhu ku doodayaan in Dhaqaalaha Somaliland ee dawladdu ku shaqayso uu dekedda ka soo baxo isla markaana la wareejinayo. Waxaan leeyahay dadka laba arin baa iskaga khaldan oo ah Cashuurta waxaynu ka helnaa Kastamka way nee berbera oo dakhliga ugu badan dalka soo saara kaasi sidiisii buu ahaanyaa wax u soo kordha mooyee waxba ka dhici mayo.

Lakiin dekeddu waxay qaadaa wax layidhaaho adeeg ay u qabato macaamiisheeda (Services) lacagtaasna markii horeba madaxtooyadda ayey gali jirtay ina xisaaba may lahayn. Markaa shirkadda DP World waxay la waregaysaa waa adeegii dekedda ee markii hore baa an Berberi arki jirin oo aan aaminsanahay in marka shirkadu maalgalin samayso ee ay waliba 35% inaga dib inoogu soo celinayso waa arin guula oo ay Somaliland gaadhay.

Haddaba markaynu eegno faa`iidooyinka Somaliland ugu jira in DP World aynu heshiiska intan leeg la galnay waxay wax ka taraysaa gooni istaagii oo waxaynu dhamaystiraynaa afarta qodob ee aduunyaddu wadan ku aqoonsato qodobkii ugu danbeeyey oo ah in aynu leenahay awood aynu heshiisiyo caalamiya ku gali karno.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa waar dadku hakala saaraan caadifada dhexdeedna iyo hawlaha qaranka oo wadniyadu yaanay inagaga qasmin shuqul qabiileedkii waa iga talo iyo tilmaan aan u arko inay Somaliland jirtaankeedu uu ku jiro in si qoto dheer wax looga fikiro waayo Somaliland waxay leedahay cadaw fara badan oo ka xun horumarka iyo gooni istaageeda markaa walaalayaal yaan cadawga loo loogin qarankan curdinkaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here