Waxaynu noqon dad Xumaan jecel, Haddaynaan ka mahadnaqin waxtarka Imaaraadka Carabta.

0
389

Ummada walba waxa dhigaal u noqda waxay qabsato, ama cid kale ka caawiso, loona baahan yahay inay ilaashato, isla markaana af iyo adinba ku taageerto intii qeyb ka qaadatay gaadhitaanka hadafkooda.

Hadaan u soo laabto dulucda maqaalkan, waxa mudooyinkii u dambeeyey si weyn aynu ula soconay waxtar dhinacyo badan leh oo xukuumada Imaaraadka Carabta u fidinayeen, ama u balanqaadeen inay ka fuliyaan Somaliland, oo dhinacyo muhiimad weyn u hel bulshada ka mid ahaayeen, sida biyaha, caafimaadka waxbarashada, iyo dhinacyo kaleba.

Horta ilaahay baynu mahad u celinaynaa inoo qoray helitaanka kaalmooyinkaa, marka xiga, waxa lagama maarmaan ah inay uga mahadcelino dadkii ka dambeeyey, ama hormoodka u ahaa inaynu helo, oo ugu horeeyo Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumadiisa, oo abuurtay fursada aynu xidhiidh iskaashi qiimo leh inoo dhexmaray wadammo badan oo dalka Imaaraadku ka mid yahay, isla markaana aynu aragno dhaxalka aynu immikaba ka faa’iidnay talaabada ay qaadeen.

Sidoo kale, waxa in looga mahadceliyo mudan, safiirka cusub ee dhowaan Somaliland u magacowday dalka Imaaraadka Carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, oo muddadii koobnayd ee uu xilkaa hayey, dhab ahaan ay muuqatay sida uu u gutay waajibkii saarnaa, una abuuray jawi iyo isfaham aynu yeelanay dalka loo xilsaaray, isla markaana uu dalka iyo dadkaba ugu soo helay waxtar iyo mashaariico, la’aantii aanay suurtagasheen, ama aynu odhan karno, hadaanu la iman dedaalo dheeraad ah aan ku imaadeen wakhti kooban.

Haddaba, waxa caado u ah qof walba inuu uga abaalceliyo qofkii waxtara, haba yaraato waxtarkaasiye, laakiin, bal ka warama bulsho dhan oo weli aynaan arkin iyagoo uga mahadcelinaya dadkii iyo dalkii waxtaray, mise waxaynu odhan karaa, waxtar gebi ahaantiiba bulshada reer Somaliland uma baahna? Xaqiiqdii, way u baahan tahay, laakiin waxaad moodaa inaanay ku baraarugsanayn, ama qof walba ku eegayo qof kale inuu kaalintaa buuxiyo, balse la moog yahay inay tahay waajib qof walba saaran inuu wanaaga dhiirigeliyo.

Waxaan ugu baaqi lahayn ummada Somaliland guddo iyo dibedba inay kaalin ka qaataan sidii dalkoodu horumar iyo wanaag u gaadhi lahaa, isla markaana qof walba kaalinta kaga beegan u buuxin lahaa, oo qof kastoo wax wanaagsan u qabta, haba ahaato waajib saarnaaye, inaynu uga mahadcelino, ilayn haduu wax xumaan ah sameeyaba waynu ku dhaliili lahayne, inkastoo ay jiraan dad badan oo wanaag la sameeyo ka jecel inay arkaan xumaan la sameeyo si ay ugu dhaliilaan qofka sameeyey, oo xumaanjecel aynu ku magacaabi karno.

Ugu dambayn waxaan odhan lahaa, abaalweyn ayaan madaxda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta ugu haynaa waxtarka dhinacyada kala duwan ee ay u qabanayaan shacabka reer Somaliland, taasoo keenaysa inay dareemaan sida loo dareensan yahay abaalkooda, looguna mahadcelinayo, oo sababi karta inay sii kordhiyaan, insha alaah. Sidoo kalena waanu ogsoon nahay masuuliyiinta kaalinta ka qaatay helitaanka waxtarka UAE oo ugu horeeyo safiirka Somaliland Md. Baashe Cawil Cumar, abaalna waanu ugu haynaa, waxaanan leenahay, haka daalin inaad dalkaaga iyo dadkaaga ugu hiiliso aqoontaada adigoo gudanaya waajibka ku saaran, waxtar kastoo aad soo kordhisana adduunkana abaal ayaaad kaga heli ummada, aakhirana ajarkeeda Ilaahay baa ku siin. Aamiin.

By: Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here