Weerar Is Qarxin Ah Oo Lagu Qaadey Xero Ciidanka Militaryga Somaliya Moqdisho Ku Leeyihiin + Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashey Iyo Al-Shabab Oo Sheegatey .

0
298

Moqdisho ( Ceelgardinews.com ):- Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar is qarxin ah oo maanta barqadii ka dhacay Warshadii nacnaca oo ku taal degmada Wadajir, halkaasoo ah xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Image may contain: one or more people and outdoor

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay nin xidhnaa jaakadaha qarxa isla markaana ku labisnaa dareyska ciidamada milateriga, kaasoo isku dhex qarxiyay gudaha xerada.

 

Illaa 10 askari oo ay ku jiraan labo sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa oo dhacay, xilli uu dhamaaday tababar subaxa hore ka socday xerada.

Sidoo kale in ka badan 10 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo la geeyay isbitaal ay leeyihiin ciidamada Milateriga.

Wararka ayaa sheegaya in ninka xidhnaa jaakadaha qarxa uu isu ekeysiiyay ciidamada tababarka uga socday xerada, waxaana uu beegsaday ciidan iyo saraakiil meel fadhiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka is qarxinta ee ka dhacday xerada ciidan, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo tababarayaal.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milateriga oo ku aadan weerarka is qarxinta ee lagu qaaday xerada ciidan.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada Milateriga, waxaana shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha cusub Ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, kaasoo shalay un uu xilka la wareegay.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo is bedel guud lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here