Weerrarka Kabul: Qarax iyo rasaas ka dhacaysa meel u dhaw dhismaha

0
342

Rag hubaysan ayaa waxa ay weerrareen wasaaradda warfaafinta ee Afgaanistaan ee ku taal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kabul, saraakiisha ayaa sheegay.

Qarax ayaa la maqlay 11:40 subaxnimo waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi halka rasaas goosgoos ahna la maqlayay.

Ila wareed ka tirsan wasaaradda ayaa BBC-da u sheegay in saddex qof ay weerrarka soo qaadeen, iyadoo mid ka mid ahna uu gudaha u galay dhismaha.

Ilaa iyo haatan cid sheegatay weerrarkaasi ma ay jirto, hasayeeshee waxa uu imanayaa maalin un kaddib markii la hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo ururka Taalibaan.

Walow maanta uu dagaal culus ka socdo magaalada Kabul, haddana waxa uu imanayaa bilooyin ay magaaladaasi deganeyd.

Maxaa dhacay?

Weerrarka ayaa ka dhacay aag mashquul badan oo ku yaal bartamaha magaalada Kabul, halkaas oo ka ag dhaw hoteellada ugu caansan, dhowr wasaaradood iyo qasriga madaxtooyada.

Qof kale oo ka mid ah dadka weerrarka soo qaaday ayaa isku qarxiyay dalbiga halka midkii saddexaad ay booliska toogteen.

Hoteelka Serena, oo ah mid aad loo ilaaliyo ayaa ka mid ah hoteellada fara ku tiriska ah ee ay isticmaalaan ajaanibta.

Dhismaha wasaaradda warfaafinta oo ka kooban 18 dabaq ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay dhismooyinka ugu dhaadheer magaalada Kabul.

Muuqaallo lagu baahiyay TV maxalli ah ayaa muujinaya daruur ka sameysmatay qiiq ka soo baxayay dhismaha, halka dadku ay isku dayayeen inay ka soo boodaan dariishadaha dhismooyinka uu jooggooda hooseeyo, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Boqolaal qof oo rayid ah ayaa waxaa laga daadgureeyay dhismaha, wasaaradda ayaa sidaasi sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here