Wefdigii Samawade ee uu hogaaminayey Cabdiraxman cabdillahi Cirro ee ku sugnaa Maraykan ayaa si meeqaam sare ah Dawlada maraykanku u soo dhoweysay

0
337
Berbera(Ceelgardinews.com)Wefdigan ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey dawlada Maraykanka oo uu Casuumad rasmiya ka helay wefdiga Samawade ayaa waxaa ku weheliyey Gudoomiye Cabdiraxman can=bdillahi ciro xubno aad u muhiima oo ka mid yahay xildhibaan Cabdiqaadir jirde, waxaa isla markiiba kulamo uu la qaatay labada Aqal ee maraykanka , gudoomiyaha ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhoweeyey gebi ahaan Maraykanka waxaa uu kulamo la qaatay qaybo ka mid ah dawlada oo aad muhiim u ah waxaa ka mid ahaa  US Department of States, United State Agency International Development oo loo soo gaabiyo USAID hayadan oo ah mid aad u xoog badan qaabilsana caawimaadka aduunka sadexaad iyo meelaha masiibooyinku ka dhacaan u gurmata, waxaa kale oo uu la kulmay Wasaarada waxbarashada oo u balan qaaday wax barasho bilaasha oo ay arday u siinayso Somaliland , Wasaarada caafimaadka.
Waxaa dawlada maraykanku u balan qaaday Gudoomiye Cirro in ay la ay ka caawin doonto xagga dhaqaalaha ,caafimaadka, wadooyinka , biyaha, iyo weliba qaabka wershaedaynta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada faraha badan ee ka qalin jebinaysa Dalka wax shaqo ahna ka helayn dalka, Gudoomiyaha ayaa madaxdaa faraha badan ee uu la kulmay uga faa’iidaystay waqtigiisa u sharxay maraaxilkii dalku soo maray dhibaatdii dagaal iyo dhaqaale xumo ee uu ka soo gudbay hab wada shaqayn iyo wada noolaanshona looga gudbay.
23
Ka dib markii kulamadaasi Guul uGu soo dhamaadeen waxaa si farxadi ku jirto u soo dhoweeyey jaaliyada Somaliland oo aan u kala hadhin oo ka kala yimid sadexda gobol ee Oodwadaagta ah Washington DC, Maryland, iyo Varginia iyadoo uu halkaa uGu horayn hadan qiimo leh uu ka jeediyey gudoomiya jaaliyada Washinton DC Ugu horrayn waxaa weftiga soo dhoweeyey Jamaal Axmed Dharoor Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee gobolladaas, wuxuuna xafladda ka sheegay in Jaaliyaddoodu ay ku faraxsan tahay inay markii labaad soo dhoweeyaan wefti ka socda Somaliland iyaga oo hore casho sharaf ugu sameeyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. 
4
Waxaa xafladdaas hadal aad u qiima badan ka jeediyey qaar ka mida xubnaha weftiga. Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde oo ah ruug caddaan in ka badan 19 sano ku soo jiray golaha wakiillada ayaa fahfaahin ka bixiyey xaaladaha dalku ku sugan yahay iyo doorka qurbe joogtu ka qaadan karto, wuxuu kale oo ku dheeraaday shaqda baarlamaanka haatan
hortaalla
5
Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in golaha wakiilladu ay diyaar u yihiin inay doorasho galaan, hase ahaatee ay tahay in shaqo badan la qabto, ka hor doorashada, wuxuu si gaar ah sharaxaad uga bixiyey arrinta la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka. Xildhibaan Jirde ayaa sheegay, inay booqdeen gobollada dalka isla markaana macluumaadkii ay ka soo ururiyeen ay ka soo baxday in arrinta saami qaybsigu ay ka weyn tahay talo ay gaadhaan labada Gole baarlamaan hase ahaatee ay tahay arrin u baahan talo qaran, wuxuuna sheegay inay taladaas u gudbiyeen Madaxweynaha. Nuura Axmed Weris oo ah Wakiilka Xisbiga Waddani ee Virginia, Maryland iyo Washington oo weftigani marti u ahaa ayaa sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay inay gobolkeeda ku soo dhoweyso Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxayse Nura ku dheeraatay in shacabka Somaliland ay u taallo hawl qaran oo ka gun-dheer taageerada Xisbiyada. Nuura ayaa tusaale u soo qaadatay kulan ay la yeesheen Wasaaradda Arrimaha Debedda Marayanka, taas oo ay uga soo baxday inuu hooseeyo xidhiidhka shacabka Somaliland ee ku dhaqan Maraykanku ay la leeyihiin wasaaradda Debedda, waxay ugu baaqday dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka inay dedaal u galaan sidii dawladda Maraykanka ay uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda Somaliland.

11

Ugu dambayn waxaa goobtaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Guddoomiye Cirro ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey xaaladda Somaliland ee haatan iyo weliba arrimaha ay kala hadleen dawladda Maraykanka, wuxuuna Guddoomiyuhu iftiimiyey in si weyn loogu baahan yahay in bulshada Somaliland ay door ka qaadato dardar gelinta aqoonsi raadinta Somaliland. Guddoomiye Cirro ayaa goobtaas lagu weydiiyo suaalo kala duwan oo jaaliyaddu u qabtay, isaga oo suaalahaas uga jawaabay Dadweynaha

Wefdiga ayaa hada waxay u kicitimeen Gobolka Seattle Washington iyagoo kulamo la qaadan doona madax kala duwan oo maraykanka ah iyo ganacsdeyaal waaweyn oo can ka ah Maraykanka oo uu casuumad ka helay uGu danbayna la kulmi doono jaaliyada Somaliland oo isku duuban waxaa uu bishan afarteeda ku soo began yahay Gobolka Ohio oo isna sidoo kale ganacsato iyo aqoonyahani dhakhaatiir ah kula kulmi doono wixii warara ee intaa dheer haka fogaan Mandheeranews

ENG ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here