Weriye Maxamed Cabdi Ilig waxba muu Galabsan

0
77
Weriye Maxamed Cabdi Ilig waxba muu Galabsan..
Xukuumadda Muuse Biixi muddadii ay xilka haysay waxa ay ku tacadiyaysay saxaafadda madaxa-bannaan, haddana waxaa muuqata in Weriye Maxamed Ilig uu noqday bartilmaameed gaar ah xadhiganina waa kii saddexaad intii ay xukuumadda kulmiye joogtay.
Wax-tarka warbaahibta madaxa bannaan ee Somaliland waxyaabaha lagu xasuusto waliba Weriye Maxamed Ilig-na sida gaarka ah loogu xasuusan karo waxa ka mid ah gubashadii suuqa waaheen 01/04/2022 oo uu naftiisa halis u galiyay isaga badhtanka u galay mawjado dab ah oo ay adagtahay in uu qaf bani’aam ahi in uu dhax-galo iskadaaye xataa aanu u dhawaan karin waxa shaadhadaha caalamka oo dhan laga daawanayay isaga oo neef-qabatoobay oo ku dhiman gaadhay halka maanta laga xidhayna waxay ahayd in la siiyo abaal marin wariyaha uu cv-giisu sidaa yahay waa kuma ninka dalkan iyo dadkan uga uga lexo-jeclo badani.
Weriye Maxamed Ilig waa Weriye dalkan iyo dadkiisaba uga faa’iideeyay xirfadiisa saxafinimo wuxuu sameeyay hay’ad war-baahineed oo sifo sharci ah ku furan wuxuu sameeyay shaqo abuur oo wuxuu shaqaalaysiiyay dhalin-yar tiro badan oo bartay mihnada saxaafada oo lagu tilmaami karo in ay yihiin muunada ama quruxda uu dalkani leeyahay.
Sidaa darteed waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in Weriye Maxamed Ilig xoriyadiisa loo soo celiyo wax faa’iido ahina kuma jirto mas’uul warbaahineed oo aan wax danbi ah galin in maalin la yidhaahdo waxaa la geeyay maxkamad milatari maalinta xigtana la yidhaahdo maxkamadii milatariga waa laga daayay oo waxa la gaynayaa maxkamad rayid ah
Xadhiga wariye Mohamed Ilig Xal Maaha