Xaqiibaa dilaacay :- Muran ka dhex qarxay Bashe Morgan iyo DP World + Saamiga Ay Leeyihiin Qoyska Madaxtooyadu.

0
242

Heshiiskii dekeda lagu kala qeybsaday wuxuu ahaa in Qoyska Silaanyo iyo ganacsade ina Boore ay qaataan 15% Somaliland na 35% DP world na 50%. Qaybta xaqiiqda ihi sidaas bay ahayd. Dekeda looma xaraashayo xaqul qalim oo keliya ee waxa la qoon daystay 15% inay helaan Silaanyo iyo Morgan iyo ina Boore sodonka sanadood ee soo socda.Talada dekeda lagu wareejinayo emaaraadka waxa lahaa Ganacsade ina Boore oo ay coloobeen madaxweynaha Jabouti. Hadaba waxa dhacday in DP World is bedeshay oo ay tidhi lacag kaash ah oo mar qudha ah ayaan idin siinayaa ee ma bixinayno 15% sanad walba.

Durba iyadoon meel la isla gaadhin ayaa murankani soo if baxay. DP world waxay ku andacootay marka Dowlad cusubi ay ka dhalato Somaliland sanadkan daba-yaaqa-diisa waxa nala weydiinayaa sida wax loo kala leeyey iyo qandraaska la kala saxeexday oo sidaa darteed ma tusi karno magac yadiina inaa sanad walba lacag intaa leeg helaysaan. Morgan qeylo dheer buu ku dhuftay isaga oo uugu hanjabay DP World in la joojin doono heshiiskii dekeda gebi ahan tiisaba. Waxay u sheegeen in ay Video aannu ogayn ka duubi jireen mar wal oo ay la shiraan iyo mar wal oo lacag gacanta laga geliyeyba oo ay soo bandhigi doonaan haduu yeeli waayo waxay u soo jeediyeen. ina Boore isagu wuu ka yeelay sabab tuna tahay wuxuu ka baqay in ay Ismail Omer Geele gacanta ka geliyaan intay mua’amarad u deberaa. Waxa halkaa ka cadaatay in shirkada DP world ay u shaqeyso sida Mafia da oo yarkii Morgan ay cirka u direen oo waxoogaa kaash ah uun la siinayo isaga iyo qoyska Silaanyo iyo ina Boore.

Somaliland meel daran baa lala marayaa ,Waxa kale oo soo socda in wershadii sibidhka ay ina Boore iyo Morgan doonayaan in ay ku shurkaan. Shicibka reer Somaliland waxaad moodaa in la doorsaday oo biyo lagu shubay oo aanay iska kicin karayn maamul buray oo madaxweynihii la doortay aannu ka hadli karin sicir bararka, Abaaraha, Saldhiga, Dekeda iyo wax kale toona. Dabeed Morgan iyo sodohdii waa gartood inay dalka wada xaraashaan. 7 sanadood markay dalka jaqeen bay doonayaan inay weliba dhaqaale uuga sii scdo sodon sanadood oo danbe

 

Xigasho : Berberatoday.com