Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo Soo Saartey Tacadiga Saxaafada Ay Ku Hayso Xukuumada Kulmiye

0
386

War-bixin afar bilood leh ah oo ay maanta soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay sheegtay in afartii bilood ee u danbeeyey  (laga soo bilaabo April ilaa August 2016) la xidhay sagaal (9) suxufi. Halka ay hada dacwadi ku socoto todoba (7) suxufi.

cadaalad

Warbixinta ay soo saartay Xaruntu waxaay sheegaysa in shan dacwadood oo ciqaab ah oo cusub lagu soo oogay suxufiyiin afartii bilood ee u danbeeyey: Maxamed Cumar Jaray, weriye ka tirsan Boramanews, waxa xukuntay bishii May Maxkamadda Gobolka Awdal, Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim, gudoomiyaha wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf, tafa-tiraha Foore, Ibraahim Cusmaan Axmed, tafa-tiraha Hangoolnews, iyo Calimahdi Jibriil Xasan, Bulsho TV, waxa dacwado ciqaab ahi kaga socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Sidoo kale Xarunta  Xuquuqul Insaanku waxaay si wayn u xustey oo ay  sheegtay in tacadi ba’an oo ka soo horjeeda madaxbanaanida saxaafada lagula kacay sadex wariye oo kala ah Abdirahman Mohamed CIge , Axmed Siciid iyo Mubaarig Nirig  oo ka hawl gala magaalada Berbera intii u dhaxaysey 25th May 2016 ilaa 27th kadib markii Maayarka Golaha Deegaan kee Berbera Policeka u gudbiyey liis ka kooban dhowr wariye oo ka hawl gala Gobolka kadib markii uu ka biyo diidey hadal uu ka hor jeediyey Mudane Saleebaan Cali khaire madaxda DPW oo kulan kula qaadanayey mudanayaasha Golaha Deegaanka iyo Maamulka Dekeda magaalada Berbera isla markaana Wariyayaashu goob jog ahaayeen, Markii kulanku soo dhamaaddey ayuu amrey Maayerku inaanay sii dayn warkaa taas oo aanay ka aqbalin una gudbiyeen Tvyada ay ka hawl galaan isla markaana la xidhxidhey.

sadex suxufi oo dacwadahoodu bilaabmeen ka hor April ayaa weli dacwadohoodu ka socdaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Sadexdaas suxufi oo kala ah Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad , Siciid Khadar Cabdilaahi, tafa-tiraha Hubsad, iyo Muuse Faarah Jaambiir, gudoomiyah wargeyska Ogaal.

Waxaad  ka heli kartaa warbixinta oo dhamaystiran: http://www.hrcsomaliland.org/publication/190-august-2016-human-rights-centre-quarterly-report-on-media.

Talo-soo jeedin:

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Xeer-ilaaliyaha Guud inuu:

  • Joojiiyo dacwadaha ciqaabta ah ee u ku soo oogayo suxufiyiinta iyo xadhiga suxufiyiinta;
  • Ogolaado in warbaahin cusub la furan karo iyo in kuwa jira cid lagu wareejin karo;
  • Ka qaado xayiradda wargeysyada xayiran ee Hubsad, Codka Shacakba, Xog ogaal iyo Haatuf;
  • Dib ula noqdo dacwadaha ciqaabta ah ee uu ku soo oogay suxifiyiinta hada dacwaddu ku socoto.

 

Garsoorka:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa Garsoorka inay:

  • Joojiyaan adeegsiga ay u adeegsanayaan Xeerka Ciqaabta suxufiyiinta, waxaay sidoo kale kula talinaysaa inay adeegsadaan Xeerka Saxaafadda iyo dastuurka.

Ururada Bulshada Rayidka ah:

Xaruntu waxaay u soo jeedinaysaa ururada bulshada rayidka ah inay:

  • Taageeraan suxufiyiinta Somaliland iyo warbaahinta;
  • Inay taageeraan in la joojiyo ciqaabta lagu soo oogayo saxaafadda iyo sidoo kale inay u ololeeyaan in xayiraada laga qaado wargeysayada xayiran.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here