Xasan Ciise Oo Baaq Nabadeed U Diray Laba Beelood Oo Dirir Ku Dhex Martay Gobolka Sool

0
316

Madaxweyne Ku Xigeenkii Ugu Horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa baaq nabadeed u diray Laba Beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay Gobolka Sool.

Waxa uu u soo jeediyay labada dhinacba in ay nabada ku dedaalaan, dagaalkaasna ay joojiyaan, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi

“Waxa aan halkan baaq nabadeed uga dirayaa Beelaha Walaalaha ee Ku Dagaalamay Deegaanka Dhumay oo ku yaala Gobolka Sool, waxaanan leeyahay oo aan ka codsan lahaa wax garadka labada dhinac in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo colaadaas.

Runtii labada beelood ee halkaas ku dagaalamay waa laba beelood oo walaalo ah, dagaalkooduna waxa uu khasaare soo gaadhsiinayaa labada dhinacba, waxaanan leeyahay looma baahna colaadaas ee waa in uu caqligu shaqeeyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo.

Waxa la yidhi walaalayaal ‘Dagaal Wiil baa ku dhintee, Wiil Kuma dhasho’, baaqaygunau waxa uu ku salaysan yahay sidii loogu gurman lahaa labada beelood, loogana shaqayn lahaa in nabad lagu soo dabaalo ” .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here