XIL. IBRAAHIM-KACAAN OO MUDANEYAASHA WAKIILLADA U FAAHFAAHIYEY MASHAARIIC SHARCI OO MUDDO HOR YAALLAY GOLAHA

0
249

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha cusub ee guddida dabagalka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka Somaliland xil. Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahin-kacaan] ayaa  Fadhigii shalay subax  ee golaha wakiilada JSL xildhibaannada ka hor akhriyey warbixin ku saabsan laba mashruuc sharci oo  golaha hor yaallay muddooyinkanba. Labadan mashruuc sharci oo kala ah: Xeerka Qandaraasyada (Procurment Acct) iyo Xeerka Hanti-dhawrka (National audit acct) ayaa fadhiga shalay ee golaha oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu guddoomiyaha guddi hoosaadkaasi si faahfaahsan ugu sharraxay muddanayaasha.  Furitaankii Fadhiga Golaha

Fadhigan  waxa ugu horayn aayadaha qur’aanka ku furay oo  akhriyey Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal ka dibna waxa uu guddoomiyuhu Xoghaynta ku wargeliyey in mudanayaasha loo qaybiyo labada nuqul ee Xeerka Hantidhawrka Guud ee Qaranka (Nuqulkii xukuumadu soo gudbisay iyo nuqul ay gudida ilaalinta iyo dabagalka Hantida qaranku wax ka bedel iyop kaabis ku soo samaysay). Waxaana warbixinta xeerarkani u dhignaayeen sidan:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND GOLAHA WAKIILADA

Date: 24/04/2016

Ku: Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jsl

Og: Shirguddoonka Golaha

UJeedo: Warbixinta Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee ku aadan Mashruuca Sharciyada Golaha hor yaala ee Qandaraasyada iyo Hanti-Dhawrka.

Mudanayaal iyo Marwo,

“Ugu horayn waxaan u mahadnaqayaa mudanayaasha iyo shirguddoonka Sharafta leh ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uu abaaraha inaga dul qaado intaa ka dib”

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa anigoo ku hadlaya magaca Guddida Guddida Ilaalinta iyo Dabagal hantida Qaranka ee Golaha warbixin kooban oo ku saabsan maraaxilkii iyo hawlihii ay soo mareen labada xeer ee ka midka ahaa shanta xeer ee Maaraynta nidaamka maaliyaadda Dawladda ee loo yaqaano (PFM Codes) labadaa xeer oo kala ah:-

Xeerka Qandaraasyada (Procurment Acct);

Xeerka Hanti-dhawrka (National audit acct).

Guddidu iyadoo ka duulaysa qodobada dastuurka ee 53aad, 54aad iyo Qodobka 58aad ee Xeerhoosaadka golahuna awood u siinaya Guddida in ay Ka baaraandegto kana hawlgasho dhammaan shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda.

Hadaba labadan xeer Guddida waxa loo soo gudbiyey taariikhdu markay 20/10/2015, guddidu waxay si deg-deg ah uga hawlgashay sidii ay xeerarkaas uga gudan lahayd waajibaadkeeda.

Waxay gudidu isla qaadatay in loo qabto kulan-hawleedyo (Workshops) lagu falanqayno xeerarkan, waxaana dhaqaale ahaan naga caawinayay Hayadda SSG Chemonics.

Kulankii ugu horeeyay wuxuu qabsoomay January 2016 isaga oo socday maalmaha 26, 28, 29 bishii January 2016ka, waxaana lagu lagu lafa guray xeerka Hanti-dhawrka Qaranka (National Audit Act) waxaana  ka soo qaybgalay qaybala kala duwan ee Muhiimha u ah xeerkan:

Hanti-dhawrka Guud

Wasaarada Maaliyadda

Ardayda Kuuliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Golis iyo Hargeisa.

Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka.

Sharci yaqaano madax-banaan.

Lataliyaal sharci oo madax-banaan

Iyaga oo muddadaa seddexda cisho ah ku sameeyey xeerkan kaabis,wax ka baddel, iyada oo Guddiduna ku samaysay akhris  kana gashay falayn iyo dib eegis aad u qoto dheer, laguna sameeyey turjumaad,ka saarid qodobada qaar ka horminaya Dastuurka iyo xeerarkii hore u jiray.

Waxa kale oo Guddidu xog ururis iyo wada tashi la sameeyeen Kuuliyadaha Sharciga ee Jaamacada Hargeisa iyo Golis, anaga oo isla qaadanayey kulamo muhiim ah oo gun-dhig u ah Xeerkan Hanti-dhawrka.

Guddidu Waxa kale oo kulamo wada-tashiya ah u qabatay Xeerka Qandaraasyada (Procument Act), iyada oo ay ka soo qaybgaleen Guddida Qandaraasyada Qaranka, sharci yaano isla markaan u qabanay si la mid ah sidii xeerka Hanti-dhawrka aanu u qabanay.

Xeerka Qandaraasyada waxaanu qabanay isla bishii January 2016,isaga oo socday maalmaha 29,30,32 January 2016,anaga oo raacnay habkii hufnaa ee aanu u qabanay xeerkii ka  horeeyey, kuna samayn dib u akhrin,doodo muhiim ah oo ku salaysan si qancinmarinay iyo is waafajinta xeerkan iyo xeerka kale iyo Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guud ahaan kulamadaasi waxay ku dhamaadeen Guul ay dhamaan daneeyayaashu si mug iyo misaan leh ay uga qayb qaateen in ay talo waafiya ku yeeshaan xeerarkan oo hadhaw lagu dhaqi doono nidaamka Dawliga ah ee Somaliland.

Guntii iyo gabo-gebadii, waxa ay Guddidu soo jeedinaysaa taladan hoose ku qoran :-

In haddii muran dhinaca sharaxa ahi yimaado la raaco fasiraada Ingiriisiga ah.

In Golaha Wakiilada yeesho xafiis turjumaada u gaar ah oo Guddiyada caawiya.

Guddidu iyadoo ka duulaysa arimahaa kor ku xusan iyo warbixinaha laydiin qaybiyay ee xeerarkan PFMka gaar ahaan labada xeer ee Qadaraasyada iyo Hanti-dhawrka Guud. waxay mudanayaasha Golaha ku gubaabinaysaa inay si mug leh uga doodaan fikirkoodana uga gaystaan Xeerarkan oo qaranka muhiim u ah. Dhamaantoodna waxay dhisayaan haylka qaranimo iyo sunaha dawladnimo oo ku dhisan isla xisaabsan iyo maamul wanaag.