Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Adag U Dhaliilay Kulamada Loogu Gogol Xaadhayo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya –

0
330

Hargeysa(Mandheeranews.com) Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag u dhaliilay  kulan loogu gogol xaadhayey sidii dib loogu furi lahaa wada hadalada Somaliland iyo somaliya oo wadanka turkiga ku dhex maray aqoonyahano ka kala socda labada dalka.

Xildhibaan Siciid Maxamed oo war uu ka so saaray magaalada Hargeysa soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayaa waxa uu si adag u dhaliilay xubno ka socday dalka somaliya oo ka qayb galay kulamada loogu gogol xaadhayo wada hadalada, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan

Waan idin salaamayaa dhammaan. Waxaa isoo kiciyey ihaanada iyo gefka la inooga soo xanbaarayo Istanbul, Turkey Waxan shirka lagu sheegay ee marba marka ka dambaysa lagu sii muunad iyo midab dilayo magaceena iyo yoolkeena. Ma waxay Somalia doonaysaa heshiis? Wixii horeba bikh!! Bal arrinkii ugu dambeeyey u fiirs

Waxay Somalia dhowaan soo saartay istraatejiyadda cusub ee lagu maamulayo waxa ay doorashada ku sheegaan ee sannadkan kadhacaysa dalkaasi Waxay u badheedheen inay kala qortaan, saxeexaan, dunidana ku yidhaahdaan ‘Somaliland waxay yeeelanaysaa xildhibaano Federaal oo ay soo magacaabaan wax ay ku sheegeen Madax Dhaqameed dalkan u dhashay oo ay ku doodayaan inay u diiwaangashan yihiin oo Xamarna la joogaan!!’.

Ogow, hore waxaynu ugu heshiiney inaan hawlaha daakhilka ah la isku fara gelin. Ma macquulbaa in iyagoo aan ka noqon qefkaas masiiriga ah in meel lala fadhiisto oo lagu dhawaaqo in shir furmay. Kaba sii darane, ma garbaa in la yidhaado waa la shiray, go’aano ayaa la soo saaray arrintaas akhlaaq xumada ahna kelmed la iskama odhan! Maxaa si ah?! Maxay ahaayeen kuwan la leeyahay way ina metelayeen? Meeday xukuumaddii aan u ansixinay wada hadalladu? Weger!! Wallee saaka uunbaa wax is galeen. Waa inoo Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi
Tel: 00 252 63 4421900

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here