Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Biyo Diiday Mudo kordhin Ay Hadalhayso Xukuumada Wakhtigedu Dhamaanayo

0
442

Hargaysa (Ceelgardinews.com)  xog-haye  ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha  ee xisbiga  mucaaridka ah waddani Yoonis Axmed Yoonis oo si adag uga biyo diiday mudo kordhin loo sameeyo xukuumada axmed siilaanyo  waxaana uu hadalkisii ku bilabay sidan  ;;waxaa maalmahanba baraha bulshada  bulshada ku jirtay mudo kodhin ay  hadal hayaan xildhibaanada dheemaal quuta yaasha ee ka kala tirsan wakiilada iyo guurtida hada hadaanu nahay xisbiga mucaaridka ah ee waddani marnaba aqbalimayno waxaas ay hadal hayaaan ee ah mudo kordhinta sifo loo kordhiyaana ma taal meesha wax waliba way  dhamaadeen oo xataa diiwaangalintii ayaa gabo-gabo ku dhaw markaas sabab loo kordhiyaa mataal meesha,

xoghayahu isagoo hadal kiisa sii wata waxaa uu intasi ku daray ;; waxaan xukuumada uga digaynaa in wax mudo kordhin la yidhaahdo aanaan aqbalayn madaxwaynahana waxaaanu leenahay madaxwayne dalka adaa madaxwayne ka ah doorashaadna u balanqaaday hadaba doorashadii ay dadku kaa sugayaan waanu ognahay oo adigu ma doonaysid mudo kordhin laakiin dad dano gaara leh oo huwan sumcada madaxtooyada ayaa ku adeeganaaya  in mudo kordhi la sameeyo  xisbiyada iyo shacabkuba waxay diyaar u yihiin doorasho markaa waxaan ku baaqaynaa in doorashada wakhtigeeda la qabto hadii la qaban waayona wixii ka yimaada xukuuda ayaa ka muusla ,

13600309_10153746303652844_6873427345503465075_n