Xisbiga WADDANI Oo Si Ballaadhan U Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbigaas Ee Dalka Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin+SAWIRO –

0
326
Xisbiga WADDANI Oo Si Ballaadhan U Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbigaas Ee Dalka Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin+SAWIRO

Hargeysa(HWN):-Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargeysa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga WADDANI u qaabilsan dal weynaha Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin oo maanta dalka dib ugu soo laabatay.

Waxaana soo dhaweyntan oo ugu horreyn ka qabsoontay Madaarka Hargeysa ka soo qeyb-galay guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, Afhayeenka WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, mas’uuliyiinta heer gobol iyo weliba sida oo kale taageerayaal aad u tira badan, ku waasi oo lu laayey calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI sida oo kalena ku dhawaaqayey hadalo soo dhaweyn ah oo ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan Marwo Muna Cali Fidhin

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed oo ka dib soo dhaweyntaasi, qaar ka mid ah warbaahinta ku la hadlaayey xafiiska xarunta dhaxe ee xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan ku faraxsan yihiin in ay soo dhaweyn u sameeyaan Marwo Muna Fidhin oo uu sheegay in ay ka mid tahay shakhsiyaadka laf dhabarta u ah hawlaha xisbiga WADDANI, isaga oo tilmaamay in ay tahay shakhsi hormuud u ah isbedelka iyo taabo-gelinta dawlad la aqoonsan yahay oo ay Somaliland ku caano maasho.

“Farxad weyn ayey noo tahay in aanu maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyno Marwo Muna Fidhin, waxaana aanu ku boggaadinaynaa doorka firfircoon ee ay ka jirto xisbiga WADDANI, waa shakhsi karti badan oo runtii aad ka dheehan karayseen siddii habbooneyd ee weftigii guddoomiye Cirro ay meel walba oo caalamka Mareykanka ah ay si habsami ah hawlaha ugu wadeen, marka iyada iyo weliba dadkii kale ee kala qeyb-qaateyba waan soo dhaweynaynaa, waana aanu boggaadinaynaa, Marwo Muna na waxa aan lee yahay walaal soo dhawoow, ku soo dhawoow dalkaagii Hooyo.”.Ayuu yidhi Axmed  Muumin Seed.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI u qaabilsan dal weynaha Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin oo iyaduna ugu dambeyntii halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay sida diiraan ee loo soo dhaweeyey, isla mar ahaantaana ay si weyn ugu mahad-celinayso dhammaanba mas’uuliyiintii kala duwanayd iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI ee sida diiran u soo dhaweeyey, waxaana ay mar kale carabka ku dhufatay in ay ku faraxsan tahay in ay dib ugu soo laabato dalka, iyada oo ka warbixisay hawlaha shaqo ee xisbiga WADDANI ay uga wakiil yihiin dalka Mareykanka.

“Wan ku faraxsanahay in aan dalka dib ugu soo laabto, waxa kale oo farxad ii ah sida diiraan ee aad ii soo dhaweyseen dhammaantiinba, waana aan idiin ka mahadnaqayaa sida habboon ee madax iyo taageerayaalba aad ii soo dhaweyseen. Runtii xisbiga WADDANI waxa uu dalka Mareykanka uu ku lee yahay Laamo aad u ballaadhan oo qeyb-laxaadle ka ah dar dar-gelinta hawlaha xisbiga WADDANI, runtiina inaga oo gadaal ka kulmi doona wixii  warar ahn wadaagi doona, waxa aan doonayaa in aanan guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro aanan ka sii car carsheyn hawlahii shaqo ee aanu soo qabanay muddooyinkii ugu dambeeyey ee weftiga guddoomiyahu na la joogay, isaga ayaana fariintii ugu weynayd idiin sida oo ina la wadaagi doona dhammaanteen.”.Ayey tidhi Marwo Muna Cali Fidhin.

 

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here