Xogo-Muhiima: Mooshinka Ucid Ee Maayarada Kulmiye Ku Biiray, Dhagaraha Qarsoon Ee Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Halka Ay Sartu Ka Qudhuntay

0
377

Berbera(Ceelgardinews.com)Dhawanahan waxa soo baxayey warar la xidhiidha mooshinka Xisbiga UCID ku dabada ka riixayo ee la xidhiidha maayaradii ka soo baxay xisbigaasi markii uu ahaa isku darkii Jamaal cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaasi oo ka soo baxay deegaamadii ay ka sharaxnaayeen markii danbena loo doortay maayarada magaalo madaxda goboladii ay ka sharaxnaayeen. Hadaba waxa aan doonayaa in aan idinla wadaago xogo hoose oo la xidhiidha arrimahaasi, siday ku yimaadeen iyo cida dabada ka riixaysa:15-Fabruary-2017, waxay ahayd maalin loo asteeyey in xukuumadu ku wareejiso shirkada DP World, balse may dhicin sababo qarsoon oon dibada u soo bixin awgeed, taasina waxay ku timid markii Wasiir sacad Cali Shire iyo Maayar Cabdi Shakuur Maxamuud Xasan Cidin ay diideen inay saxeexaan in la wareejiyo dekeda berbera sababo la xidhiidha heshiiskii ay hore iyagu goobjooga uga ahaayeen oon ka muuqan waraaqaha heshiiska lagu saxeexay. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Shirkada DP World ay bilowdo dhismaha deked cusub, ka dibna taasi loo guuro si ay tan hore u dayactiraan. Halka Heshiiska hore uu dhigayey in dekeda hore aan la wareejin ilaa ay keenaan shirada DP World ugu yaraan qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen kuna bilaabi lahaayeen deked cusub si tan loogu helo meel looga wareego inta ay dayactirka ku hayaan, nasiib darose taasi ma dhicin ee shirkadii DP World waxay bilowday in ay waraaqo madhan la timaado tidhaahdana, shirkadu waxay dhisaysaa qolal yar yar oo lagu shaqeeyo dekedana nagu soo wareejiya, qolalkiina waxay markiiba ku wareejisay shirkad kuwa dhismaha ah oo hada gacanta ku haysa, sacad iyo cidina sidaasi ayey kaga hadheen saxeexii iyo safarkii imaaraadka ee ugu danbeeyey sacadna waxa uu isla markiiba ka biyo diiday mashruuca kan xiga oo ahaa Saldhiga, isagoo ka baxay in ay ku dhacdo khiyaamadii ku dhacday markii hore. haseyeeshee ilaa hada kamuu hadal sababta diidmadiisa, cid wax waydiisay oo arrimahan la socdaana ma jiraan, waxaanu ku soo gaabsadaa sacad heshiis meel uu marayo ma arag mana jiro, halka cidina ay dawladu weerar ku soo qaaday iyadoo u adeegsanaysa Faysal Cali Waraabe iyo Ucid marmarsiiyana looga dhigay maayaradaa ka baxay Ucid kulmiyena galay waxaana qorshahaasi degay oo isagu is moodaya in uu kelidii caqli leeyahay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo faysal cali waraabe oo dhuuni raac isagu xukuumada u metela DPW marka ay arrimaheeda ku jiraan iyo heshiiska qarsoodiga ah ee ka dhexeeya isaga iyo ina Xaashi. Hadadaba waxa aynu eegnaaba waa siday wax u dhacaan iyo halka layskala soo dhaco xogtan waxa aan jeclaystay in aan la wadaago saxaafada Somaliland oo iyadu aad moodo in ay ka nidho saaban tahay xaaladaha siyaasada iyo legdinta ka dhaxaysa xukuumada iyo siyaasiyiinta xogogaalka u ah dabinada qarsoon ee lala maagan yahay qaranka, waxanan sidaasi u leeyahay beryahaa maynu arag warbaahin suaalo iyo jawaabo ka bixinaysa sida wax u dhacayaan. Aan u soo noqdo heshiiska dekeda Berbera, laga bilaabo maalintaasi waxa uu dib u dhac weyn ku keenay in shirkadu si waadax ah ula wareegto dekeda berbera, sida aynu la wada soconana waxa aad ogtihiin inta jeer ee ay dib u dhacday iyo halka ay ku danbeeyeen Sacad iyo Cidin oo iyagu ahaa markhaatiyadii ama siyaasiyiintii gobolka hawluhu ka socdaan u qaabilsanaa shacbiga ay metelaan nasiiib darose xukuumadii ay ka tirsanaayeen waxa ay u aragtay kuwo fashilinaya waxa jira ee ay dhoob dhoobayso waana ta keentay in midna firxad iyo diidmo ka muujiyo heshiiska saldhiga berbera imaaraadku ka doonayo isagoo ogsoon waxa kaga soo baxay heshiiskii uu dabada ka riixayey ee DPW, halka maayarkii Berbera ee isagu markii hore u babac dhigayey dadweynihii ka dareen horeeyey ee diidmada ku wajahay arrintaasi maanta loo maleegayo shir qoolo dadban oo gacan ku rimis ah, taasi oo dhaawac iyo laf jab ku noqon doonta xisbiga Kulmiye ee ay ku biireen maayaradii ugu miisaanka cuslaa Gabiley iyo Berbera. Hadaba waxa is weydiin leh Wasiir Maxamuud ma waxa uu u adeegayaa UCID oo beryahan lagu xamanayey meelo badana ay u wada rafiiqeen faysal cali waraabe isna uu sheegay inuu doonayo in uu xisbiga kula shuraakoobo beesha bariga burco taasi oo cadayn u noqotay tuhunadii laga qabay Wasiirka Madaxtooyada ee la xidhiidhinayey UCID mise waxa uu dagaal qabow kula jiraa gudoomiye muuse biixi cabdi oo uu u carab laa-laadinayey dhawaanahan, mise waa qorshe ka weyn isaga oo baqdin iyo hadidaad ayuu kala kulmayaa awoodaha isaga ka sareeya oo waxa uu is leeyahay is badbaadi oo soo dhig qorshayaana hadii uu ku guulaystana isagaa badbaadaya,waxaanu maxamuud hoos hoos u maalgeliya xisbiga ucid, sidoo kalena samaystay warbaahin madax banaan oo uu ku qoray wiilal uu adeer u yahay oo uu u diyaar saday inay olole siyaasadeed la galaan marka uu u gacan banaanaado siyaasada ka dhanka ah xisbiga Kulmiye, waxaan shacbiga laga qarin arin dhagahara qarsoon ee maxamuud xaashi ku hayo bulshada iyo qarankaba. Ugu danbayn waxa hadalka ku soo xidhayaa in wasiir Maxamuud dalka ku soo laabtay Khamiistii waxaanu isla markiiba bilaabay shirar isdaba jog ah oo uu la yeeshay Xoghayaha dawlada hoose ee berbera iyo Shan xildhibaan oo ka soo baxay deegaanka Saaxil dhamaantoodna waxa ay ka soo jeedaan beesha Bariga burco taasi oo shacbiga berbera dareen gaara ku abuurtay una fahmay in ay siyaasad ka ahayd in maayar cidin lagu soo eedeeyo xisbi ayuu ka baxay ee ay dabada ku hayso arrin aargoosi oo maxamuud xaashi ku hayo shacbiga gobolka saaxil iyadoo horena loo ogaa falalkii ficilku ka muuqday ee uu hore ugu kacay, isku soo wada duuboo shirarkaasi uu la galay xildhibaanada golaha deegaanka berbera ee beeshiisa ayaa daaha ka fayday in xukuumadu ay dabada ka riixayso weerarka qaawan ee Ucid u adeegsanayso. Waxaanay ku talo jiraan in ay meesha ka saaraan halka sacad cali shire ay isaga ka qaadayaan xilka wasiirka madaxtooyada kuna bedelayaan Jamaal cali Xuseen oo isaga loo wado Wasiirka Wasaaradda Maaliyada halka Samsam Cabdi aadana loo wado wasiirka Arrimaha dibeda, wararkaasi oo dhawaan la filayo in ay dibeda u soo baxdo waa hadii lagu guulaysto mooshinka maayar cidin, oo isagu caqabad ku ah wasiirnimada Jamaal, halka jamaalna u dudayo cidin oo ay hore ugu kala tageen ucid, xukuumaduna ay jaaniskaasi ka faa’iidaysanayo.

W/Q: Yuusuf Maxamed Cali Hargeysa/Somaliland Yusufmahamed1112@gmail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here