xubnaha guddida qaban qaabadda shirweynaha lixaad ee Ururka SOLJA Oo La Magacaabay

0
325

Ujeeddo: Magacaabis xubnaha guddida qaban qaabadda shirweynaha lixaad ee Ururka SOLJA oo ka dhici doona Hotel Ambassador 30/12/2017.

Ku: Hogaanka sare ee SOLJA
Aniga oo Tixraacaya Dastuurka ururka SOLJA Qoddobkiisa 13 aad oo waajibanaya soo xulista xubnaha qaban qaabada shirweynaha lixaad ee ururka isla markaana inagu wajibanaya qabashada shirweynaha caadiga ah oo sadexdii sanaba Hal mar ururku qabsado.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Liiska xubnaha guddida qaban qaabada oo kala ah:-


1. Maxamed Aw Aadan
2. Barkhad Maxamuud Kaariye
3. Sahra C/wahaab
4. Mawliid Maxamed Shaqale
5. C/fataax Mursal
6. Saynab Maxamed Cabdi
7. Maxamed Maxamuud Ilkacase

Sidaasi daraadeed; waxa xubnaha hogaanka sare ee Ururka SOLJA ka codsanayaa inay ogolaadaan inay toddobadaas xubnood noqdaan guddida qaban qaabada shirweynaha lixaad ee Ururka.

Mahadsanidin
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here