Xukumada Oo Guutooyin Ciidamada Amaanka Ah Usoo Diray Berbera Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
314

Berbera (Ceelgardinews.com)-Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland  Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Libaan Axmed (Fooxle) Iyo Guutooyinka Ciidama Isugu Jira Ciidamada RRU Iyo SPU Oo Wata Gadiid Gashaaman  Kuwaasi Oo Lagu Talo Galo Inay Xoog Ku Maquuriyaan Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Maalinti Labaad Ku Jira Shaqo Joojin

Shaqalaha Dekeda Beerbera Iyo Shirkada Dp Wold Oo Maalimahi Udaneebayay Soo Kale Dhex Galay Khilaaf Xoogan Oo Sababay In Shaqalaha Dekeda Berbera Ay Galaan Laba Maalmood Oo Mudaharad Iyo Shaqo Joojin Ah,

Cidamadan U Hogaaminayo Taliye Ku Xigeenka Somaliland ayaa Lasoo Diray In Ay Xoojiyaan Cidamo Tiro Badan Oo Ku Sugan Gudaha Magalada Berbera,Taasi Oo Xukuamadu Ku Cabsi Galinayso Shaqalaha Dekada Berbera Oo Ilaa Maalintii Labaad Ay Ku Jiraan Mudaharado Salmiya Iyo Shaqo Joojin. Ay Kaga Canabayaan Hab Dhaqan Iyo Amaamirta Ay Soo Rogtay Shirkada Dp Wold Oo Ay Xukumadu Ka Kiraysay Dekada Berbera.

Dadkaan Shaqalaha Ee Ka Hawl Gala Dekada Berbera ayaa U Muqata Mid Lagu Cabdhinayo Inay Cabiraan Dareenkooda Ku Aadan Inay U Doodaan Xaquuqda Shaqaalenimo Ay Ka Wayeen Shirkada Lagu Wareejiyay Dekada Berbera.

Sidoo kale Waxa la filayaa in Saacadaha Soo socda uu Ka Hadlo Taliye Kuxigeenka Booliska Somaliland  Sababaha Keenay  Isaga Iyo Ciidamadiisu Inay Yimaadaan Magaalada Berbera.