XUKUMADA OO XABSIGA WEYN EE HARGEYSA UGUDBISAY SULDAAN CALI SALEEBAAN KUNA DHEX XIDHAY TUUGTA IYO JIRIDA XABSIGA KUJIRA

0
366

Berbera (Ceelgardinews.com) Xukumada Saaka Xabsiga weyn ee hargeysa ugudbisay Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo lixdii maalmood ee udanbeeyay ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, Suldaanka oo xadhigiisa lagu xidhiidhiyay Shirka Beelaha Ciise Muuse uga furmi doona deegaanka Baxarasaafka ee katirsan Degmada Laasgeel(Dacarbudhuq)oo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Sas ka qaaday cabudhin iyo caga juglayna kula kacayso cid kasta oo ay ka aragto dhaqdhaqaaq la xidhiidha shirkaas oo labadii bilood ee udanbeeyay hadal hayntiisa iyo qabanqaabadiisu socotay.

Suldaan-Cali-Saleeeban-1024x576

Suldaanka ayaa waxa la sheegay in markii xabsiga la geeyay lagu dhex xidhay qolalka ay kujiraan tuugta iyo jirida xabaglayaasha ah ee danbiyada cawtal dariiqa ah galay iyada oo cadaadis kaga imanaya dhinaca Madaxtooyada Ciidamada asluubta ay sidaas uyeelayaaan.

 

Suldaanka ayaa hore markii la soo xidhaadhayay dhaawacyo loogu geystay kadib markii ay ciidamada soo qabanaayay qori dabadii la dhaceen markii uu ka dlbaday inay soo qaataan waaran maxkamadeed oo xadhigiisa soo amarta hadiiba danbi loo haysto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here