Xukuumadda Sharraxday Sababta Ciidamadu Ugu Daateen Gabdho Dhaqan-celis ahaaa Oo Intoodii Badnayd Dalka Laga Saaray

0
269

Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah faahfaahin uga bixisay hablo dhallinyaro ah oo ay dhawaan ciidamada ammaanku u daateen dusiyo jiif ahaa oo wax ka baran jireen, isla markaana dorraad intoodii badnayd loo dhoofiyey dalalka reer Galbeedka oo dhalashooda haysteen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon oo isaga oo arrintan ka hadlaya u warramay idaacadda BBC-da, ayaa sharraxay hablahan ardayda ah oo markii hore dalalka qurbaha dhaqancelin ahaan looga keenay iyo sida ay meesha kusoo galeen, isaga oo sidoo kale is dul taagay sababta keentay in ciidamo hubaysani goor habeennimo ah ay dugsigaas u daataan, waxana uu yidhi, “Hablahaasi tiradooda guud waxa ay ahayd 17, waxana ay ka kala yimaadeen waddamo  kala duwan oo reer Galbeedka ah ee Denmark, Ingiriiska, Sweden, Canada iyo Maraykanka, annaguna sidaanu u malaynayno waxa jirey heshiis iyaga iyo qoysaskooda ah oo inay noloshooda beddelaan oo ay diinta dhaqanka beddelaan bay dalka u yimaadeen, waxana la geeyey meelo madarasaddo ah oo ay wax ku bartaan oo lagu dhaqan celiyo, imikana markii xogo soo baxay ay heleen dalalkii ay ka yimaadeen sirdoonkoodu waxa dhacday in meeshii la tegay oo aanu annaguna dawlad ahaan gacanta soo gelinay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in hablihii dugsigaas loogu tegay intoodii badnayd loo qaaday dhinaca dalalkii ay dhalashooda haysteen, waxana uu ku adkaystay inaan cidina jujuubin oo ay ikhtiyaarkooda ku baxeen intooda joogtaana ikhtiyaarkooda ku joogeen, “Waxa ay noqotay oo qoysaskii iyo dalalkii ay kasoo jeedeenba isla afgarteen in hablahaasi tii doonaysaana ay waalidkeed la joogto, tii kalena tagto, waxana ay ahaayeen dad wada qaan gaadh ah, dhammaantoodna iyaga oo ikhtiyaarkooda ku amba baxeen 3-ka mid ah mooyaane,” ayuu yidhi wasiir Farotoon.

Wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir Faro-toon waxa uu sheegay in sababta ay ciidamada ammaanku ugu daateen dugsigii hoyga ahaa ee gabdhahaasi degenayeen ahayd xogo qaldan oo ay heleen, waxana uu yidhi, “Maadaama oo aanaan xog badan haynin shaki baa jirey, dabadeedna Boolis baa u daatay gurigii ay ku jireen, waxase la ogolaaday inay nolol caadi ah ku jireen, imikana wax xidhani ma jiraan, marka laga tago gabadh xanuunsanaysa oo imika aanu qoyskoodii helnay mooyaane.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here