XUKUUMADDA SOMALILAND OO XALAY FAAHFAAHIN DHEERAAD AH KA BIXISAY KHASAARAHA DAGAAL DHAAWAC IYO DHIMASHO SABABAY OO KA DHACAY GOBOLKA SOOL

0
349

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal Jimcihii dorraad iyo sabtidii shalay ka dhacay   deegaanka Dharkayn-geenyo oo 70-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana ku baaqday in xaaladda nabadgelyo lagu soo dabbaalo. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa War-Saxaafadeed   uu ku saxeexan yahay oo uu xalay soo saaray kaga hadlay shaqaaqadaas oo dhimasho iyo dhaawac-ba sababtay, waxaanu sheegay inaanay Xukuumadda waxba kala hadhi doonin dejinta xaaladda colaadeed ee deegaankaas Dharkayn-geenyo oo ka tirsan gobolka Sool ka taagan. Qoraalka War-Saxaafadeedka uu Wasiir Caddaani ku saxeexnaa oo uu Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL,waxaa   uu u dhignaa sidatan:- “Mudanayaal & Marwooyin, Waxaan jeclahay in aan halkan idiinku soo Gudbiyo xog ku saabsan dhacdadii murugada lahayd ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacaysay Degmada Dharkayn-Geeye ee Koonfurta Gobolka Sool. Taasoo Khasaare aan la filayn ka dhex dhashay labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland , kuwaas oo si kediso ah xabaddu uga dhex bilaabantay iyagoo  wada fadhiya, ka dib markii ay isku afgaran waayeen xaajooyin ay ka wada hadlayeen Ugu horrayn aniga oo ku hadlaya afka Dawladda Somaliland waxaannu tacsi u diraynaa Ehelada iyo Qoysaska dadkii halkaa ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba iyada oo tirada dadka ku dhintay ay labaatameeyo gaadhayso, tiro kale oo intaa ka badanina ay ku dhaawacantay Dawladda Somaliland waxay qaadday talaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay kaga hawlgeli lahayd mashaqadaas . Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday. Sidoo kale Xukuumaddu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka dadweynaha  ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in falal dhibaatadaa la xidhiidhaa ka dhacaan,  maadaama labada ardaa wada degan yihiin Magaalo madaxda Gobolka ee laascaanood. Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala tegay Gobolada Somalialnd oo dhan iyo caasimada Hargeysa oo ay hogaaminayaan wasiiro, Madax-dhaqameed, xubno ka kooban labada golle Guurtida iyo Wakiilada, kuwaas oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday. Intaa ka dib Xukuumadda Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa  dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan xabadda, una dhego nuglaadaan Ciidamada Qaranka ee Nabadda ka shaqaynaya iyo Ergooyinka nabadeed ee madax dhaqameedku horkacayo ee u gurmaday. Haba-yaraatee Xukuumadda Somaliland waxba kala hadhi mayso  sidii dhibaatadaa loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba. Mahadsanidin.” Sidaa ayuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku yidhi War-Saxaafadeedka Qoraalka ah ee Nuqulka ka midka ahi soo gaadhay Aftahannews ee uu caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa.