Yaa u Cadow ah Somaliland Yase la Saaxiib ah (Qalinkii A/qadir jamac Maxamud (A/qadir fartaag)

0
317

Berbera (Ceelgardinews.com)  Shacabka reer somaliland waxaad mooda, in dhawaanahan danbe ay iskaga qaldantay,  qodobo aasaasi ah oo laf dhabar u ah,  jiritaankeena qaran iyo umad ahaaneedba.

Waxyaabahaas madmadow ka galay waxa kow ka ah :

Yaa cadow ah, yaase sxb Laga dhiganayaa? Waa maxay shuruuda ku xidhan sxbtinimada iyo Cadawada cid loo qaadayo?

Is haynta ama cadawtinimada lafteedu imisa nooc ayay noqonaysaa?

Hadaan isku dayo in aan iftiimayo labada su’aalood ta danbe ,

laba nooc ayaa  cadawga( Cadawtinimada) loo kala saaro, labaad nooc waxa lakala yidhaahda

  1. Strategic enemy , waa cadow aan is bedelin(Rasmi ah ) tusaale sida Isreal/Plastine
  2. Situational enemy , waa cadow ku xidhan xaalad sida qadiyad la isku hayo (gooni isu taag ) sida  Somaliland /Somalia

Markay sidaas tahay waxaad garan kartaa nooca cadawadeed ee inaga iyo Somalia inoo dhaxaysa oo ah nooca cadawada ee loo yaqaan (Situational enmity) Cadawada xaalada ku salaysan , oo haday qadiyadaas la xaliyo cadawadaasi halkaas ayey ku dhamaata.

Hadii Cadawadaas la xalin waayo way gamuurta, Salbalaadhata dabadeed way dhalan gadisanta(transformation) iyadoo isu bedesha (Strategic enemy )sida hindia iyo Bakistan oo isku haya gobolka Kashmir imika colaada labada wadan waa mid strategic ah.

Hadaba Colaada Af iyo Ficilba leh ee Somalia iyo Somaliland way 50 guuro jirsatay, Walina waa halkeedi oo way socoto,

Markaan intaas ka gudbo Waxaan dareemayaa in debec , kala daadsani  iyo shaki badan lagu furay, mabda’ii iyo ku dhegenaantii qadiyada Madax banaanida Somaliland .

Waxa shacabka xariirta ah ee reer somaliland laga soo galay albaabo badan oo ay u nugul yihiin kowna ka tahay

  1. Islaamnimada
  2. Somalinimada
  3. Midnimada
  4. Gaalnimada iyo nacabykeeda
  5. Shisheeye nimiada

Waxaan arkayaa in la inaga soo weeraray xaglo badan  (different angles), la inaguna furay tashuush badan oo aanay dhalinyarada maanta badankoodu ka dabaalan Karin, Sida kala duwanaanshaha Qowmiyada(somalinimo) iyo qarinimada (dowlad nimada ah)

Qowmiyada Somali ayaynu nahay, si aynu Soomali u ahaano kuma qasbanin in xamar dowlad la wadaagno, Ciise jabuuti qowmiyad ahaan waa Somali, Qaran ahaana wa Djabuti.

Waxaan Baraha bulshadu ku wada xidhiidho (Social media) ku arka Hambalyooyin la hambalyeynayo qof  reer somaliland ah oo xil ka qabtay dowlada Somalia!!!!!!!!! . oo ah amuur aan dhici jirin 5 sano ka hor.

Waxaan arkayaa Quus ku timid kuwii hanka yaraa ee Qanaca dhawaa ee arigtidoodu ku salaysantahay inta ay markas arkayaan. Maxan hada haya? Iyo maxaa inoo kordhay 25 sano? Oo waliba su’aalahaas jawaabtooda ku qiyaasaya jeebkooda iyo isaga shaqsiyan maxa u kordhay, ee aanu eegayn maxa qarankan bilaa ictiraafka ah u kordhay.

Inta aanan gudo galin Albaabdaas sare ku xusan ee faraha badan ee la inaga soo galay iyo sidaynu ugu helayno jawaabo waafi ah, horta aan ku horeyo arimo kale.

1980 sideetankii abwaan cali banfas ayaa gabaygiisi mahiigaan waxa ka mid ah tuducan oo uu kaga waramayey dowladnimadii aynu tuurney, ee inta qiiradu ina qaaday aynu xamar gayney.

  • Dawladaan maguujaan gamcahan madhan ka joogaaye;
    • Maandeeq halkaan geeyey baa lagu miskeedaaye;
    • Maraq Eebbe baa lagu xidhoo mahadin meysaane;
    • Nirgahay mataaneysay baad mulul cadhayseene;
    • Macaluusha waakaa afkii Meydh u jeedsadeyye;
    • Xoriyooy ninkii maali jirey meesha laga saarye;

Saaxib,Walaal iyo Inadeer Jawaabaha aad u haysid su’aalaha hoos ku xusan waxay kaa cawin doonaan wax badan oo maanta mad madow kaaga jiro

  1. Shacabka konfurta /Somalia iyo dowladoodu ma isku aragti ayay ka yihiin qadiyada gooni isu taaga Somaliland mise way ku kala duwanyihiin?
  2. Shacabka konfurta/Somalia iyo Dowladoodu ku dhegenaanta qadiyada midnimada somalia iyo ka hor jeedka gooni isu taaga Somaliland ma Dun wanaag iyo gobonimo ay u dhasheenbay salka ku haysaa, mise waa Somali iyo xasadkeed, ku jiqsiinteed iyo yaanu hebel wax noqonin.
  3. Gooni goosashada ay shacabka reer Somaliand iyo dowladooduba ay u xusul duuban yihiin ma gartood iyo waaqoodba mise waa Gunimo ,Xiqdi iyo Xumaan ay u dhasheen.
  4. Wali ma aragtay Masuul dowladeed/ hogaamiye dhaqmeed oo reer konfur ah oo leh Umada reer Somaliland Xaq ayey u leeyihiin inay ayahooda ka tashadaan, wixii ku dhacayna dulmi ayaa ahaa.
  5. Hadaynu reer Somaliland nahay Cidaynu dhibka ,Xasuuqa, baabiinta, cadaalada Darada , ka tirsanaynaa ma Ethiopia mise waa Kenya mise waa Reer konfureedka aad u taqaan walaalaheen?
  6. 25 sano waxaynu raadinayno oo ah Ictiraaf caalami oo Somaliland hesho cida hortaagani ma Ethopia mise wa Kenya Mise waa Walaalaheena konfureed?
  7. Cida ina cayda ina xaqirta !!!, cida tidhaahda waxba la idiinma gaysan!!!! Cida tidhaahda ma go’I kartaan!!! Ma Ethopia Ma Kenya Mise waa walaalaheena konfureed?

Hadaba walaalkayga sharafta leh ee reer Somalilandnow kaama jecli qarankan waynu wada leenahay, ee marka aad ka jawaabtid Su’aalaha kor ku xusan , waxaad jawaab u helaysaa Su’aasha ah :

  1. Waa ayo cadowga Somaliland?

Guntii iyo Gabogabadii Maalinta la arko reer Somaliland oo shacab iyo Dowladba Saaxibtinimadoodu iyo Cadawaadooduba ku xidhan tahay Hadba sidaad ku tahay qadiyada gooni isu taagooda!!!!  Maalintaas !!!!Maalintaas!!!!!! Maalintaas!!!!!!!!!!!!!!!!!!

!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!   Rajo soo Muuqata !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Qalinkii A/qadir jamac Maxamu

(A/qadir fartaag)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here