0
384

Hargaysa(Ceelgardinews.com):-Waxa xarunta Xisbiga WADDANI ee degmadda Axmed Dhagax ee Caassimadda Hargaysa, ayaa munaasibad aad u qurux badan oo si heersarre loo agaasimay loogu qabtay Wefti uu hogaaminnaayo Xoghayaha Xafiiska WADDANI ee UK Maxamed Carab Wacays oo kormeer  ku samaynaayay qaabka shaqo ee Xafiisyadda degmaddaasi hawlahoodu u socdaan.

Munaasibadda Xubnahan Weftiga ah loo sameeyay ayaa waxa ka soo qayb-galay guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Iid Amarre, guddoomiyaha degmadda Axmed dhagax ee Xisbiga WADDANI Cali Cabdi Muuse, Guddoomiyaha garabka Haweenka Gobolka Maroodi-jeex Hinda Xasan Idiris, guddoomiyaha heer qaran ee dhalinyaradda Xisbiga WADDANI Yuusuf Talaabo iyo Marti sharaf kale oo qiimo leh.

Guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax Cali Cabdi Muuse oo furitaankii xafladdaas ka hadlay, waxa uu sheegay innuu aad u soo dhawaynnaayo Xubnahan Weftigan ee uu horkacaayo Xoghayaha UK ee WADDANI, waxaannu xog-waran kooban hawlaha ay qabtaan Xafiisyadda WADDANI ee degmaddani, qaabka ay ugu xidhan yihiin Xafiisyadda heer gobolka, caqabaddaha jira, iyo isku xidhnaanta guud ee Xisbiga WADDANI, gaar ahaanna Caasimadda Hargaysa oo uu sheegay inay yihiin kuwo isku wada xidhan oo meel qudha laga istaadho leh.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Iid Amarre oo isagunna ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Xafladdaas ka hadashay ayaa sheegay innuu aad ugu faraxsan yahay Xubnaha Weftigan ee booqashadda ku tagay Xafiiska degmadda Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargaysa, waxaannu sheegay in Xafiiskan uu gacanta ku hayo oo uu qalabbeeyay Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo ah guddoomiyaha UK ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha garabka Haweenka Gobolka Maroodi-jeex Hinda Xasan Idiris oo iyadduna manaasibaddaas ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay inay aad u soo dhawaynayso Xubnahan weftigan oo uu hogaaminnaayo Maxamed Carab Wacays oo ah Xoghayaha UK ee Xisbiga WADDANI, waxaannu sheegay in mudadii uu Hargaysa joogay uu markii koowaad uu xafiiskii ugu horreeyay ee Xisbiga WADDANI ee uu kormeerrraa uu noqdaq Xafiiska degmadda Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargaysa.

Ugu dambayntii waxa Munaasibaddaas ka hadlay Xoghayaha UK ee Xisbiga WADDANI Maxamed Carab Wacays, waxaannu ka mahad-celiyay sida qurux baddan ee Mas’uuliyiinta degmadda Axmed Dhagax u soo dhaweeyeen, isagoo sheegay in booqashadda Xafiiskani ay macno gaara u samaynayso, maadaama uu guddoomiyihiisa UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde uu hirgeliyay xaruntan.

Xoghayaha UK ee Xisbiga WADDANI Maxamed Carab Wacays waxa uu Guddoomiyaha degmada Axmed dhagax Cali Cabdi Muuse iyo  Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex Cabdirisaaq Iid Amarre ku ammaanay sida qurux badan ee ay isaga xil saaraan hawlaha qaran ee Xisbiga WADDANI, isagoo ka balan-qaadday in wixii fariin ah innuu gaadhsiin doonno Madaxda heer qaran ee Xisbiga WADDANI.

Ceelgardinews.com

Berbera Somalialnd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here