0
341

Berbera ( Ceelgardinews.com ) Wiigan horaantiisii ayay aheyd markii la shaaciyay in Gudoomiyihii Xisbiga waddani ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin xilkii Gudoomiyenimo laga qaaday loona magacaabay Kuxigeenka xogahayah Guud ee Xisbiga Waddani iyada oo aan ilaa hada la sheegin masuulka xilka Gobolka Saaxil ee Xisbiga Waddani qaban doona.

ilaa markii xil ka qaadista ama xilka bedelka Gudoomiye Cali axmed kooshin la shaaciyay ayaa waxa aad laysu weydiinaayay goobaha bulshadu ku kulanto ee magaalada Berbera sababta keentay in Cali axmed kooshin xilka laga bedelo xiligan iyada oo lagu jiro xili xasaasiya oo siyaasadii dalku qasantahay sidoo kale gudoomiye Cali Axmed kooshin yahay masuul aad loogu kalsoonyahay shaqada uu xisbiga uhayo sidoo kalena uu kamid yahay xubnaha lagu majeerto xisbiyahanimada Gobolka Saaxil isaga oo kamid ahaa ragii asaasay ee dhidibada utaagay Xisbiga kulmiye ee kusoo dhabar jabay balse xisbigaas iska casilay markii uu arkay qalooca siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo, kuna biiray xisbiga Waddani oo uu xiligaas u arkaayay mid mucaarad ah oo dalka iyo dadkaba hanan kara markii uu xisbiga waddani bilawgii raad dhaqaajiskiisa uu ku bilaabay dardar mucaaradeed ee dhiiran, halkan xiligan maanta ah la sixi layahay xisbigii Waddani Mucaarad iyo muxaafid kuu yahay.

inta Badan dad siyaasada fileeqeeya ayaa ua rakaayay bedelka ama xil ka Qaadista Gudoomiyihii Xisbiga Waddani ee gobolka Saaxil mid la xidhiidha heshiis siyaasadeed oo Xukumada Iyo Xisbiga Waddani dhex maray waliba  iyada oo lawada ogyahay xidhiidha siyaasadeed ee waayadan danbe udhexeeyay xukumada iyo hogaamiyaha xisbiga waddani oo uxuubsiibtay mid la dhacsan qorshe siyaasadeed oo loo maleegayo dhigiisa Xisbil Xaakumka Kulmiye oo aanay isku sanbanaanayn Madaxtooyada iyo dadka ka Arimiya wakhti xaadirkan islamarkaana loo maleegayo qool siyaasadeed oo lagaga takhalusayo sidoo kalena Cabdiraxmaan Ciron ayaa isku dayaaya inuu iskudhacaas ka faa,iidaysto.

Codsiga Cabdiraxmaan Ciro Xukumadu Kaga Codsatay inuu Xilka ka qaado ama uu meel kale ubedelo Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Saaxil Cali Axmed kooshin ayaa xukumadu uga danleedahay in aanu mucaaradadii xooganayd ee lagu yaqaanay aanu kala hor imanin arinka heshiiska Dekeda Berbera lagaga Kireeyay shirkada DP World iyo sidoo kale inuu laf dhuungashay ku noqday dhaqdhaqaaqyada Masuuliyiinta dawladu ka sameeyaan Gobolka Saaxil saacad kastana uu ka hadlo musuqmaasuqa ay faraha kula jiraan iyo boobka hantida qaranka ee ay faraha baas kuhayaan.

Xukumada ayaa waxa ay hore ugu guulaystay inay Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee xisbigiisa Dacwaduhu ragaadiyeen inay ku qanciyaan inuu xilka Ka Qaado Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yasin oo dadka reer Berbera uyaqaanan Xaqudirirka Somaliland inta badan dhaliilo ay Xukumada siilanyo la kici weydo dhabarka usaari jirtay, Faysal Cali Waraabe oo aan haysan qeynuun sharci oo ubanaynaya inuu xil kaqdaastaas sameeyo ayaa waraaq aan sharciga Waafaqsanayn ku shaaciyay inuu xilkaas ka qaaday Gudoomiye Rooda Axmed yasin Balse waxa gaashgaan udaruuray oo xil kaqaadistaas beeniyay iyaga oo qodobo sharciu adeegsanaya Musharax Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo gudoomiye Kuxigeenka Sadexaad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed yuusuf(Cali Guray)

inkastoo la sheegay In Cali Axmed Kooshin Loo magacaabay kuxigeenka xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa hadana waxa aan meesha ka maqnayn tuhunada siyaasadeed ee ka dhex muuqday Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo waayadan danbe ujanjeedhay dhinaca Xukumada oo gacan saar la yeeshay maamadama oo Madaxweyne Siilanyo aanu musharax ahayn sidoo kalena aanay isku sanbanaanayn Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Inkastoo ay jiraan qaar kamida Bulshada oo iyagu u arka Xil ka bedelka Gudoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Saaxil dalacaad uu dalacay oo la geeyay masab ka meqaam sareeya xilkii uu hore uhayn jiray ayaa hadana waxa ay dadka intooda badanu u arkaa Cali Axmed Kooshin Gaandhari gacan fudud oo faran dagaal oo xabadu dhacayso laga saaray sidoo kale waxa Cali Axmed kooshin ahaa nin yaqaana halka lagu dhufto Xisbiga kulmiye iyo Xukumadiisaba maadama uu mudo dheer la soo shaqeynaayay kana mid ahaa Xisbigaas.

Marka ay sidaas tahaya waxa la odhan karaa dalkii wax Xisbi Mucaarad layidhaa oo ka jiraa ma jiraane nin kastaa dantiisa yar ayuu eeganayaaaa ?

xigasho Berbera Today