Deg Deg :- Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaadey Kala Qaadistii Uu Madaxweyne Siilanyo Ku Sameeyey Labada Doorasho.

0
313

Hargeysa ( Ceelgaredinews.com ) Fadhigii ay saaka yeesheen  mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland  oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golahaasi ayaa waxaa ay cod gacan taag ah u qaadeen kala qaadistii labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada ku sameeyey madaxweyne Siilanyo.

golaha-wakiilada

Fadhiga saaka oo ay ka soo xadireen 59 muddane ayaa waxaa ogolaadey kala qaadistaasi 52 muddane waxaa diiday 5 xildhibaan gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasna waxaa  ay xildhibaanadu ku meel mariyeen kala qaadista labada doorasho

Gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu shir gudoominaayey fadhigan saaka   oo waraabinta la hadley waxaa uu sheegay in go,aankooda maxkada sare loo gudbin doono isla markaana muddo kordhinta golaha wakiilada loo sameynaayo mudada ay noqon  doonto ay go,aan ka gaadhi doonan golaha guurtidu