Haamihii shidaalka kambaniga Dahab shiil Group ka Dhistay Berbera Dhaawac Weyni Soo Gaadhay

0
700

Berbera (Ceelgardinews.com)shirkadda Dahabshiil group oo Magaalada Berbera ka samaystay Haamo Shidaal, oo uu ugu talo galay inuu ku ganacsado, ayaa waxa dul-hoganaya fadeexado iyo khasaare ay gaadhsiiyeen Marakab u siday Shidaalka oo ku soo xidhay Dekeda macmalka ah ee Dahabshiil u dhisay .taasi ugu talo galay inay ku soo xidhaan markiibta u sida shidaalka
Haamahaas Shidaalka ee Cusub ee Shirkadda Dahabshiil uu Samaystay ayaa dhamaystiray daba-yaqadii 2019-kii. Sidoo kale waxa uu Tijaabadii ugu horaysay haamani la sameeyay sanadkani 2020, iyaddoo lagu shubay laba Markab oo Shidaala, ah kuwasoo kala ahaa naafato iyo Badrool.
Sida ay daaha ka faydeen xogo u dhuundaloola Arimahaas waxay sheegeen in qaybtii Badroolka ahayd laga iibsaday halka aan weli qaybtii naafatada ahayd Aanay iibinin,
Dhismaha Haamaha Shidaalka ee Dahabshiil Berbera oo sanaadkan bilaabay shaqada iyagoo qaatay shaqaale kooban,
waxana dibada usoo baxaya Warar sheegaya in albaabadu xidhmeen Kaydka Shidaalka ee Shirkadda Dahabshiil, waxana wararku intaas ku Dareen in markabkii sadexaad ee u rarnaa Dahabshiil u galay khatar weyn, kaddib markii uu go”ay shubkii uu kusoo xidhan Markabkaasi kaas oo ka Dhisna Dekeda macmalka ah ee u samaystay Dahabshiil, Ee ugu talo galay inay ku soo xidhaan Maraakiibta u sida Shidaalka, waxana si kadis ah loo arkay, Markabkii xidhnaa oo Biyaha Badda Dul sabbaynaaya isagoon dhamaynin shubista Shidaalkii uu siday.


Geesta kale Maamulka Haamaha Shidaalka ee Dahabshiil, ayaa markii ay dhacday fadeexadani waxay ku yaaceen markabkii Biyaha sabbbaynaayey waxayna waydiiyeen waxa ku dhacay, kabtankii Markabka ayaa u sheegay Masuuliyiinta Dahabshiil, shidaal uu shubo iska daaye inuu Khasaare baaxad lehi soo gaadhay Markabkii, isla markaana aanu dib u shaqayn doonin, loona qariyey Deked aan caadi ahayn oo macmala’ taasoo aanu awoodin in Markab kusoo xidho.
Waxa kale oo Wararku sheegeen in Bayloodada soo xidha, isla markaana fura Maraakiibta Dekeda Berbera goobtii soo gaadheen kuwasoo dhagaystay labadii dhinac, waxayna soo sareen balayoodadu warbixin,iyagoo sheegay in aan Dekeda Dahabshiil aanay kusoo xidhan Karin Maraakiib Awood Badani maadama Shubka Markiibta u diyariyeen ee ku soo xidhnaysaa ka samaysan yihiin 10.000-kunka tan halka markabka ku soo xidhayna uu ka badnaa xadigaasi waxaana ay shegeen in laga rabo shubabka lagu soo xidhayo marakiibta in ugu yaraan ahadaan 70.000kun oo tan.
Ilo-wareedyo ku dhow-dhow labada dhinac, ayaa sheegay in xaruntaaasi haamaha shidaalka dahabshiil group aanu markab dambe oo shidaal ku u soo xidhan dooni ilaa inta laga shaqaynayo dekediisa yar ee macmalka ah, ee markiibtu ku soo xidhato, shaqada laga qabanayaana, qaadanayso wakhti dheer iyo qiimayn dawladu ku samayso maadaama hore qiimayn loogu samayn dhismihiisa.
Dhismahan cusub ee haamaha uu dhistay ganacsade maxamed Siciid Ducale markii uu dhameeyay waxa ilo wareedyo sheegayaan in gacasto badan oo reer Somaliland ah uu sheer ka iibiyay ,warka sheekani ayaa hadii uu jiro waxa uu isku dhac dhexmari karaa gancsade maxamed ducaale siciid iyo ganacsatada kale maadama xarunti fashilantay

j

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here