0
78
.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Mashruuca Ballaadhinta Korontada Magaalada Berbera. Mashruucan oo ah mid istiraatiiji ah, waxa uu wax weyn ka tarayaa adeegga tamarta iyo koboca dhaqaalaha ee guud ahaan Gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.
Mashruuca ballaadhinta korontada Berbera (5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV –11.2 km) ayaa waxa uu si rasmi ah u xaqiijinayaa fulinta ballan-qaadkii Madaxweynaha JSL ee ahaa in bulshada reer Berbera ay helaan adeeg koronto oo jaban, joogto ah oo la isku hallayn karo, isla markaana daboolaya baahida sii kordhaysa ee magaalada Berbera, oo ah halbowlaha ganacsiga dalka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in koronto la isku hallayn karo ay laf-dhabar u tahay maalgashiga, warshadaha, adeegyada bulshada iyo shaqo-abuurka.
Mashruucan waxa uu ka mid yahay qorshaha guud ee ay Xukuumaddu ku tayaynayso kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka istiraatiijiga ah, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Xadhig-ka-jarka Mashruuca Ballaadhinta Korontada Berbera
(5WP PV Solar iyo Gudbinta Korontada 33KV (11.2 km) waxa uu astaan u yahay Madaxweyne ay himiladiisu tahay Wadajir iyo Waxqabad oo muujiyey karti iyo daacadnimo.
,
(),