Hargeysa – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Salaasa, 03 February 2026 Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan shaqo la yeelatay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa.
Kulankan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Mudane Aadan Cismaan Xarbi, ayaa dhinaca Dawladda Hoose waxaa hoggaaminayay Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Md. Khadar Axmed Cumar. Waxaana kulanka maayarka ku wehelinayay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Caydaruus Cabdisamad Muxumed, Axmed Cabdi Aadan Agaasimaha Waaxda Dhalashooyinka iyo Jinsiyadaha, iyo Garyaqaan Siciid Nuux Cabdillaahi.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada hadlo Xeerka Jinsiyadda, kaas oo Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ee Golaha Wakiilladu gacanta ku hayso dib-u-eegistiisa iyo diyaarintiisaba. Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer looga dooday qodobbada xeerka, talooyinka la xidhiidha fulintiisa, iyo doorka ay hay’adaha kala duwan ku leeyihiin hirgelintiisa.
Kulankan ayaa ka qabsoomay Xafiiska Guddida Arrimaha Gudaha, Amniga & Difaaca ee Xarunta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna ku soo dhammaaday is-afgarad iyo is-weydaarsi xog iyo aragtiyo muhiim u ah dhammaystirka Xeerka Jinsiyadda.


















