AFARTII LAGU CIIRSANLAAYOW DHEX AHAADA (GUURTIDA, MAXKAMADA SARE, CIIDANKA QARANKA IYO SHAQAALAHA QARANKA)

0
303

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )AFARTII LAGU CIIRSANLAAYOW DHEX AHAADA (GUURTIDA, MAXKAMADA SARE, CIIDANKA QARANKA IYO SHAQAALAHA QARANKA)*

Golaha Guurtida:
Inkastoo Golaha Guurtida ee hada jira anuu ahayn Golahii Guurtida ee 1993kii, ee ay ku jireen Odayaashii rug-caadaga ahaa ee tariikhda Somaliland ku galay samo-talisnimada. Odayaashaas oo aan ka xusi karo, Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar, Sheekh Muuse Godaad, Sul. Cabdirahman Sheekh Muxumed, Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure iyo Haji Cabdi Xuseen Cabdi “Warabe” oo kaligii ka nool odayaasha aan kor ku soo sheegay maanta. Hadana magacii iyo sharciyadii Golaha Guurtida waa sidiisi waana Gole dastuurku siiyay awood ka badan ta Golaha wakiilada.

Golahan Somaliland intii ay galeen wiilal ay dhaleen odayaashi magacan Guurtida ku sifaysnaa, hogaankana uu u qabtay mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliland, waa Salebaan Maxamoud Aden “Gaal” Goloha Guurtidu wuxuu noqday mid badalan, habacsan oo siyaasadaysan, wuxuu noqday gole xubnahiisu xisbiyada ku kala jiraan oo aan dhex laga filan karin, waa gole xitaa tahli kari wayay in ay gutaan wajibaadkiisi dastuuriga ahaa sida nabadeynta iyo nabadgelyada waana sababta ayaynaan u maqal Guurtida oo Ceelafweyn iyo Degaanka Dererweyne nabadayn ka wada! (odayaasha aan kor ku soo sheegay marka ay meel Somaliland ka mid ah colaad laga soo sheego habeen kumay soo hoyan jirin guryahooda)

Hadaba xiligan ay doorashooyinku inagu soo fool-leeyihiin waxa lagama marmaan ah in Golahani doorkiisa qaato oo dhex ahaado, dhamaan xubnaha Golaha Guurtida iyo Gudoomiyahooduba waa in ay ka fogaadaan in loo arko in ay katirsanyihiin ama kala tageersanyihiin xisbiyada qaranka, waana in dhamaan xubnaha Golaha Guurtidu ka dheeradaan ka mid ahaanshaha asxaabta qaranka waayo waa kuwii loo ciirsan lahaa hadii laysku khilaafo natijada doorashada!

Maxkamada Sare/Maxkamad Dastuuri ah:
Maxkamada Sare iyo xaakinadeeduba waa in ay fahmaan in ay leeyihiin awood dastuuri ah, waana sababta aan madaxweynuhu ilaa u ogolaansho uga helo Golaha wakiilada aanu xilka uga qaadi karin Gudoomiyaha Maxkamada Sare. Markasta oo xaakinnada Maxkamada Sare ay noqdaan qaar’uun go’aan ka gaadha Go’aamada ay xukumadu wadato ugana gaadha sida ay xukumadu u rabto! lagama yaabo in ay Somaliland noqoto qaran waara oo sharcigu sareeyo. Maxkamada Sare waa halka ay tahay in ummadu ku kala badbaado marka laysku qabto arimaha qaranka/sharciga. Xiligan soo socda ee doorashooyinka waa muhiim in aan Maxkamada Sare aan loo arag meel go’aamada ay u yeedhiso xukumadu ama meel xisbi gaar ah u adeegaysa, hadii ay lunto kalsoonida lagu qabo Maxkamada Sare waxa hubaal ah in aan lagu ciirsan doonin maalintay adagtahay. Waa in Maxkamada Sare iyo Xaakinnadeeduba ka foogadaan in loo arko in ay dhinac la jiraan ilayn waa kuwii lagu ciirsan lahaye hadii doorashada laysku khilaafo!

Ciidamada Qaranka:
Ciidamada Qaranka waa in ay noqdaan qaar ka madax’banaan arimaha siyaasada, waajibaadkooda kowaadna waa in uu noqdaa in ay sugaan amaanka dalka xiliga xaasasiga ah ee doorashada. Waa in askarigu ogaada in wajibaadka saarani yahay in uu sugo amaanka dalka, dhagahana ka furaystaa murankasta oo siyaasadeed. Shacabkuna waa in uu gacan ka siiya Ciidamada Qaranka in ay gutaan wajibaadkooda.

Hogaanada Ciidamadu waa in ay u dhago-nugladaan awamiirta ka soo baxaysa Koomishanka Doorashooyinka Qaran, waayo xiliga doorashada shaqada ugu weyn ee socota waxa masuuliyadeeda iska leh Koomishanka Doorashooyinka Qaranka. Dhawaan mar Koomishanka Doorashooyinku amaro ku soo rogeen asxaabta qaranku in aanay gobolada bariga ugu bixi karin wax ka badan 5 baabuur maadama oo aanay ahayn xili-olole, xisbiyadu waxay dhafeen kantaroolo ay jogaan ciidamada amaanku waxaanay ahayd in Boolisku u hogaansamo amarka koomishanka oo ay joojiyaan ololaha aan sharciga ahayn ee asxaabtu waday! Ciidamada Qaranku waa in ay u dhago nugladaan amarada koomishanka Doorashooyinka Qaranka, maalmaha doorashadana waa in muran kasta oo ka dhasha doorashada ay noqdaan qaar gudanaya wajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta, adkaynta iyo sugida amniga dalka. Waana in ay u hogaansamaan go’aankasta oo ka soo baxa KDQ ilaa go’aan maxkamadeed laalo ama badalo mooye!

Shaqaalaha Qaranka:
Qodobka 6aad: ee sharciga shaqaalaha qaranku wuxuu shaqaalaha qaranka ka reebaya in aanay Hogaamiye ama xubin ka noqon karin xisbi siyaasadeed ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed, lakiin sharcigaasi kama dhaqan gelin Somaliland, waayo habeen walba waxaynu Tvyada ka dawana xubno ka mid ah shaqaalaha qaranka oo olole ugu jira si aan gabasho lahayn. Waa gaf weyn iyo jeesjees lagu jeesjeessayo sharcigii ummadani dhigatay. Si loo noqdo qaran ka badbaada murankasta oo ka dhasha doorashada waa in shaqaalaha qaranku ayka fogadaan in ay qayb ka noqdaan siyaasada, waana in ay wadaan shaqo maalmeedka hayadaha dawlada, isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo ka dhasha doorashaduna waa in aanu wax saamayn ah ku yeelan. Kuwa iyaga oo shaqaale qaran ah luqunta ku duubta calamada xisbiyadu waxay ku tunteen sharcigii waana danbilayaal ay tahay in maalin’uun lala xisaabtamo!!

“DALKEENA AAN WADA ILAASHANO OO WADA DHISANO SI AAN QAYRKEEN UGU FAANO”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here