” Waxaan soo jeedinayaa in professor Suleyman taalo looga dhiso magaalada Borama si loogu maamuuso tacabkiisa dhanka waxbarashada iyo hirgelinta Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabay.” Agaasime Axmed Abokor

0
315

Jaamacada Camuud waxaa aasaasay aqoonyahanno uu hor kacayo Prof. Saleyman Axmed Guudleed ilaahay cimriga ha u barakeeyee. Waa Jaamacadii u horaysay ee laga aasaasay Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii la aasaasa waxaa maanta laga jooga 20 sanno (1997-2017). Mudadii ay Jaamacadu jirtay waxay soo saartay kumanaan aqoonyahanno ah oo bartay takhsusaadka kala duwan oo wadanka wax wayn kusoo kordhiyey.

Jaamacada Camuud waxaa lagu tilmaamaa Jaamacada ugu tayda fiican dhanka tacliinta marka la barbardhigo Jaamacadaha dalka. Hoolka loo diyaariyey qalijabinta ayaan shalay booqday waxaan kula kulmay gudoomiyhii Jaamacad Prof Suleyman oo hubinaya in waxkastaa diyaar yihiin. Hoolka si fiican ayaa loo nidaamiyey waxaa ka muuqata in shaqo badan la galiyey si kumanaanka martida ah loosoo dhaweeyo.

Waxaan ka mid ahaa dufcadii 4aad ee jaamacada ka qalinjabiya, wakhtigaa iyo maanta waxaa jaamacada iska badalay wax wayn horumar ayaa ka muuqda, xaga takhasusaadka way kordhisay jaamacadu, dhanka dhismaha jaamacadu aad bay u balaadhatay, xaga ardayda tiradoodu way korodhay sido kale dhanka bilicda ayaa wax wayn laga badalay iyadoo aad loo qurxiyey wadooyinka jaamacada dhexmara.

Waxaa hadii Eebe idmo barito qalijabinaya dufcadii 16aad oo tiradooda sida la ii sheegay gaadhayso 750 arday oo shahaadooyinka heerarka kala duwan ku qalinjabinaya. Dhamaan aradaydaa qalinjabinaysa Hambalayo hordhac ayaan usii dirayaa Baritona waan kala qayb gali doonaa xaflada insha alaah. sidoo kale dhmaan howlwadeenada Jaamacada hambalyo ayaan iyagana u dirayaa runtii waxay muujiyeen dadaal ay taariikhdu xusi doonto.

Waxaan soo jeedinayaa in professor Suleyman taalo looga dhiso magaalada Borama si loogu maamuuso tacabkiisa dhanka waxbarashada iyo hirgelinta Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here