Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada ee JSL, mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbadel iyo horumar muuqda laga sameeyo amniga badaha JSL, sidoo kalena ka wasaarad ahaan ay aad u danaynayaan in si wadajir looga shaqeeyo sameynta xeerka maamulka badaha oo Somaliland baahi weyn u qabto.
”Waxaan doonaynaan inaan isbadel iyo horumarin ku samayno amniga Badaheena,ka wasaarad ahaana waxaan aad u danaynaynaa in la sameeyo oo si dhaw looga wada shaqeeyo in la sameeyo xeerka maamulka badaha” Agaasimaha Arimaha dibada Somaliland
















