Wafti Ganacsato iyo Maalgashadayaal ah oo ka socda Itoobiya aya Booqasho Shaqo ku Yimid Dekedda Berbera iyo Berbera Free-Zone-ka.

0
132
Wafti Ganacsato iyo Maalgashadayaal ah oo ka socda Itoobiya aya Booqasho Shaqo ku Yimid Dekedda Berbera iyo Berbera Free-Zone-ka.
Wafti ballaadhan oo ka kooban ganacsato iyo maalgashadayaal ka socda Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa booqasho shaqo ku yimid Dekedda Berbera iyo Berbera Free Zone, si ay u indho-indheeyaan fursadaha ganacsi,Logistics iyo maalgashi ee ka jira. Intii ay booqashadu socotay, waftiga waxaa loo soo bandhigay adeegyada casriga ah, horumarka kaabayaasha dekedda iyo doorka istiraatiijiga ah ee ay ku leedahay ganacsiga gobolka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Cali Diiriye Axmed ayaa sheegay in Dekedda Berbera si buuxda ugu diyaarsan tahay inay u adeegto ganacsiga Itoobiya, iyada oo bixisa adeeg hufan oo lagu kalsoonaan karo. Waftiga Itoobiya ayaa bogaadiyay horumarka dekedda iyo Free Zone-ka, iyaga oo ku tilmaamay albaab muhiim ah oo Itoobiya u furaya suuqyada caalam
Xafiiska Warbaahinta SPA