Agaassimaha Guud ee wasaradda Waxbarashada ayaa kulan la qaatay ardayda reer Somaliland ee wax ku barta Dalka UGANDA.

0
280

Uganda ( Ceelgardinews.com ) :- Agaassimaha Guud ee wasaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa kulan isxogwaraysi ah la qaatay qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee wax ku barta Dalka UGANDA gaar ahaan caasimada Kampala.
Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyey ee masuul ka socda wasaaradda Waxbarashada uu kula kulmo ardayda wax ku barata dalka UGANDA. Kulanku wxuu ku bilaabamay xog ay bixiyeen ardaydu iyagoo si wayn ugu soo dhaweeyey agaasimaha magaalada Kampala. Ka dib waxay ka warameen duruufaha ay ardaydu ku nool yihiin, noocyada waxbarasho ee ay dalka ka bartaan, caqabaha ardayda ka horyimaada dhanka waxbarashada iyo dhanka socdaalka iyo fiisayaasha. Ardaydu waxay carabaabeen in Wasaaradda waxbarashadu aaanay xidhiidh la lahayn ardayda halkan wax ku baranata oo aanay ka warhaynin iyagoo sheegay inay caawa ku faraxsan yihiin in Agaasimihii Guud uu la joogo si uu fariintooda u qaado. Waxay tilmaameen in caqabado ka haystaan dhanka socdaalka iyo fiisayaasha oo nidaam cusub lasoo rogay sanadki u danbeeyey iyagoo codsaday in fariintooda la gaadhsiiyo wasaaradda arrimaha Dibbada ee Jamhuuriyadda Somaliland si wax looga qabto.
Intaa ka dib waxaa ardayda la hadlay Agaasimaha Guud oo siiyey warbixin guud oo xaalada wadanka ku saabsan sida horurmaka wadanka ka socda, arrimaha qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha iyo wacyiguud ee bulshada. Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyo ay wadanka ka qabatay waxyaabo bdan oo horumar ah oo la taaban karo. Ka dib Agaasimuhu wuxu ardayda si qoto dheer xog uga siiyey Waxbarashada Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay ilaa 1991 iyo ilaa iyo manta. Wuxuu tilmaamay in waxbarashadu korniin wayn samaysay oo la balaadhiyey balse wali ardaydii caruurtii gaadhay da’da waxbarashadu 50% aanay helin waxbarasho taasi ay u baahan in dadaalka lasii wado. Sidoo kale wuxuu agaasimuhu carabaabay inay imika wadaan Qorshihii shanta sano ee wasaarada waxbarashada 2017-2021 kaasoo diirada lagu saarayo Tayeynta waxbarashada asaasiga ah iyo ta saraba.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in wasaaradu dib u eegis ku samaysay manhajka wadanka isla markaana markii u horaysay la daabacay buugaagta ardaydu dugsiyada sare waxka barato (text books) oo ku salaysan manhajka Jamhuuriyadda Somalialnd taasoo ah guul wayn oo qaranka usoo hooyatay. Waxaa kaloo wasaaraddu xoojinaysaa tayadda jaamacada dalka marka tayada jaamacadaheena la xoojiyo ardaydu dalkooda ayey wax ku baran doonaan wixii aan ahayn takhasusaadka gaarka ah.
Agaasimuhu wuxu kaloo sheegay in manhajka cusubi wali tijaabo ku jiro oo dib u eegis lagu samayn doono wakhtiga ku haboon. Wuxuu kaloo agaasimihu ardayda u sheegay in rajada wadanku aad u fiica tahay maalgashi caalami ah uu ka jiro markay waxbarashadooda soo dhamaystaana ay heli doonaan shaqooyin badan oo imika ajaanibku wadankeena ka qabto.
Agaasimuhu wuxuu kula dardaarmay ardayda in muddada ay waxbarashada dalkan u joogaan:
1. Inay isku doobnidooda xoojiyaan oo iscaawiyaan iskana warhayaan
2. inay ku dadaalaan waxbarashada oo wakhtiga ka faaiidaystaan kana dheeraadaan waxyaalaha wakhtiga lumiya sida isticmaalka xad dhaafka ah ee baraha bulshada, taa badalkeeda ay wax akhriyaan oo maktabadaha wakhtigooda ugu adan ku qaataan.
3. Inaanay ku dhex milmin xamaasada doorashada iyo xisbiyada tartamaya. Arday kastaa inuu taageero xisbiguu doorto laakiin aanay haboonayn inay colaad iyo xumaan dhexdooda ka abuurto.
4. Inay ka dheeraadaan cudurka qabyaalada oo tusaale wanaagsan u noqdaan bulshada inteeda kale.
5. inay qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiyaan ardayda, macalimiinta iyo cid kasta oo ay la kumayaan oo ku nool wadankan. Habdhaqan wanaagsana kula dhaqbaal bulshada ay naloolyihiin si ay sawir wanaagsan uga bixiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu danbaytii arday ayaa Agaasimaha waydiiyey suaalo badan oo khuseeya tayada waxbarashada dalka, manhajka cusub ee wasaaradu samaysay, habka ruqsadaha loo siiyo Jaamacadaha, imtixaanaadka dalka iyo qishka, kalsoonida shahaadooyinka uu bixiyo xafiiska imtixaanaadka iyo qorshaha wasaaradda waxbarashada.
Agaasimuhu suaalihii ardaydu weydiiyey mid ayuu ugu jawaabay isagoo faahin iyo xogo dhamaystiran la wadaagay. Wuxuu agaasimuhu balan qaaday inuu samayn doono xidhiidh toos ah oo u dhaxeeya ardayda wax ku barata dalalka dibadiisa iyo wasaarada waxbarashada isagoo sheegay inuu madaxda wasaarada oo wasiirka Waxbarashadu ugu sareeyo la wadaagi doona kulankan iyo baahiyaha gaarka ah ee ardayda si wax looga qabto wixii caqabada sida ugu macquulsan.
Kulanku wxuu kusoo gabagaboobay jawi farxadeed, ardayda kale ee reer Somaliland ee waxbku barata dalalka dibadda ayaa iyaguna ay soo waajahaan baahiyo la mid ah kuwa ardayda Uganda waana muhiim in xukuumadu ka warhayso oo safari ugu timaado xidhiidh joogto ah layeelato.
Waxaa xusid mudan in Passportka Somaliland lagu yimaado dalka UGANDA balse ardaydu ka cabatay nidaamka socdaalka ee cusub ee dowlada Uganda bilowday sanadkii hore uu caqabad ku noqday ardaydii badnayd ee sanadkasta dalka waxbarasho u iman jirtay, nidaamkan oo saameeyey dhamaan dadka ajanabiga ah ee dalka soo galaya. Waxaa loo baahan yahay in Wasaarada Arrimaha Dibbadu ay xidhiidh la samayso masuuliyiinta socdaalka ee dalkan si caqabadaha qaar meesha looga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here